Ina Khashoggi: Boowe salaan igu khasab laakiin qosol ha iga sugin. Yaa guushu raacday?

Ina Khashoggi: Boowe salaan igu khasab laakiin qosol ha iga sugin. Yaa guushu raacday?

Aan saaka ku biloowno in muwaadin Jamaal Khashoggi aan weli la hayn meydkiisa. Aan ku xijino in mala-awaal kasta uu farta ku fiiqayo guriga boqortooyada Sucuudiga. Aan hadana ku xijino in boqortooyada Sucuudiga uusan weli waa ku beryin.

Ku xiji Madaxweyne Erdogan oo cayaaraya laba cayaarood oo midi tahay hoggaanka Islaanka, mid kalena yahay “yaynaan u dulqaadan dulmi aan cidna ka dahsooneyn.”

Ku noqo dilka Jamaal Khashoggi.

Jamaal Khashoggi in saraakiil Sucuudiyaan ahi dishay waxaa qirtay Boqortooyada Sucuudiga. In si gardarro ah loo dilay waxaa qiray Amiir Maxamed bin Salmaan. In danbi weyn la galay oo hadana si foolxun wax loo qariyey waxaa qiray Madaxweyne Trump, Madaxweynaha Mareykanka ahna saaxiib dhow oo Boqortooyada Sucuudiga iyo waliba Maxamed bin Salmaan.

Saas oo ay tahay saaxiibada Sucuudigu ma badna. Kuwa la khasbaa ma yara. Badankoodu mab’da ma laha. Waxaana mar kasta ka badan inta aan ku mabdan ahayn.

Dowladda Soomaaliya iyo Madaxweyne Farmaajo waxaa lagu tirayaa inta la khasbo; waxaana lagu xisaabiyaa inta mabda’a ka maran.

Dunida Islaanka, dowladda Turkiga iyo Madaxweyne Erdogan waa farakutiriska weli taageero shacab iyo mabda’a lagu ogyahay.

Saas oo ay tahay muhiimadda qoraalkani ma aha faallayn dilka Khashoggi; ma aha faallayn awoodda Amiir Maxamed bin Salmaan iyo sida uu waqti yar u boobay awooddi dalka; laakiin waa faallayn xaaqiiqada warbaahinta adduunku iska indhatiraan. Waa faallo sida maanta xaqiiqo addunka ka jirta si dadban loo diido ayada oo daliil looga dhigayo oraahda “weli lama hayo daliil rasmi ah.”

Ma hubno daliisha la sugayaa waxa ay tahay. Ma in Amiirku uu dilka qirtaa?

Si kasta oo nin loo dilo ama damin looga tuuro, waxaa xaqiiqo ah in marnaba aan xaqiiqada dhabta ah ninna indhasarcaadin karin, kii isku dayaana uu waqti cayiman gudihiis ku bas-beeli doono.

U soo laabo sawirka kore. Isha la raac. Bidix fiiri. Hadana midig. Gadaal u janjeerso. Mar kale isha la raac. Yaa gardaran? Yaa gardarro muujiyey?

Yaa aabihi la diley? Yaa la khasbay?

Yaa wax khasbay?

Yaa u eg in ay wax khasbeen?

Suurtagal ma ha in aan sawirka kore si dhammaystiran u fasirno. Laakiin mid baa suurtagal ah. In aad adigu dhegayte/akhriste labada kore mid aaminto.

Kee kula gardaran?

Kan gardaran shaki kuma jiro; kan la khasbana la wada og

Dhibbanuhu yuusan fikir ugu laaban.

Soomaali kasta oo la gumeeyeyna masawirkaas ha iska dhex aragto.

Halkan kadaawo Warbixin an ka diyaarinay Wararki ugu dambeyeey ee dilka Khashoggi iyo faalo xiiso leh

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

 

 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com