Jaamacadda Carabta iyo Qaramada Midoobay oo iska kaashanaya wax ka qabashada Abaaraha Soomaaliya

HomeWararka

Jaamacadda Carabta iyo Qaramada Midoobay oo iska kaashanaya wax ka qabashada Abaaraha Soomaaliya

Shir wadajir ah oo dhexmaray ururka Jaamacada Carabta iyo Qaramada Midoobay ayaa looga hadlay sidii wax looga qaban lahaa xaaladda abaaraha ka jira So

Muwaadiniin Soomaaliyeed ayaa dil iyo dhaawac loogu geestay Koonfur Afrika
RW Rooble oo ku dhawaaqay Liiska golaha wasiiradda DFS (Akhriso)
Caawa & Daljir iyo Axmed Shiikh Maxamed Tallman (dhegayso)

Shir wadajir ah oo dhexmaray ururka Jaamacada Carabta iyo Qaramada Midoobay ayaa looga hadlay sidii wax looga qaban lahaa xaaladda abaaraha ka jira Soomaaliya.

Shirkan ayaa inta badan ujeedadiisu ahayd sidii la iskaga kaashan lahaa dadaallada ay ururadu ugu jiraan ka hortagga khatarta abaaraha iyo macluusha ka jirta gobollo badan oo Soomaaliya ah.

Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Danjire Hossam Zaki oo ka hadlayay ujeeddooyinka shirka ayaa sheegay in Jaamacadda Carabta ay garwaaqsatay xaaladda adag ay keentay abaarta inay ku baaqdo shir loo dhan yahay oo ay ka soo qeyb galayaan dhammaan qeybaha kala duwan ee Soomaaliya.

Zaki ayaa intaa ku daray in shirka soo socda uusan ujeedkiisu ahayn in la helo ballan qaadyo gaar ahaan maadaama baahida Soomaaliya ay tahay mid aad u ballaaran, balse ay tahay in la isku dubbarido dadaallada ka dhexeeya Jaamacadda Carabta iyo Qaramada Midoobay si loo gaaro danaha Soomaaliya

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: