Madaxweyne Xasan Sheekh oo shaaciyay in uu soo celinayo wada-hadalladii dowladda iyo Somaliland

Madaxweyne Xasan Sheekh oo shaaciyay in uu soo celinayo wada-hadalladii dowladda iyo Somaliland

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo la kulmay Danjiraha Dowladda Turkiga Mehmet Yılmaz, Siihayaha Xilka Danjiraha Dowladda Norway ee Soomaaliya Mudane Haakon Svane iyo Wakiilada Gaarka ah ee dalalka Turkiga iyo Norway ayaa la wadaagay sida ay uga go’an tahay dib u soo celinta wadahadallada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Soomaaliland.

Madaxweynaha ayaa xusay doorka fududeynta iyo isu soo dhaweynta ah ee dowladda Turkigu ay ka soo qaataday wadahadalladii Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Soomaaliland, kuwaas oo bilow fiican u ahaa xal u helidda tabashooyinka jira iyo xaqiijinta xasilloonida iyo horumarka dadka Soomaaliyeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahadceliyey Dowladaha Turkiga iyo Norway sida ay uga go’an tahay in ay garab istaagaan dib u soo celinta wada-wadahadallada DFS iyo SL, waxa uuna xusay qorshihiisa qaran ee la xiriira Soomaali Heshiis ah, taas oo ay qeyb ka tahay xal u helidda tabashada ay qabaan walaalaha Soomaaliland.

Dhankooda, Wakiilada Gaarka ah ee Turkiga Mudane Aykut Kumbaroğlu, Norway Marwo Heidi Johansen iyo diblumaasiyiinta dalalkaas ee uu la kulmay Madaxweynuhu ayaa ku bogaadiyey sida ay uga go’an tahay xal u helidda caqabadaha dib u dhigay nolasha dadka Soomaaliyeed oo ay ugu horreyso colaadaha, khilaafaadka siyaasadeed iyo dib u heshiisiin la’aanta bulshada.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com