Muwaadiniin Soomaaliyeed ayaa dil iyo dhaawac loogu geestay  Koonfur Afrika

HomeWararka

Muwaadiniin Soomaaliyeed ayaa dil iyo dhaawac loogu geestay Koonfur Afrika

Kooxo burcad hubeysan ayaa xalay laba wiil oo Soomaaliyeed ku dilay dukaamadooda oo ku yaalla tuulada Strand kana tirsan magaalada Cape Town ee dalka

Mareykanka oo Wadahadal ugu baaqday dowladda Dhexe iyo dowlad goboleedyadda (Daawo)
Xulashada Daljir & Faadumo dagan, Daljir Boosaaso (dhegayso)
Wasiir Juxaa,”Muqdisho Waa Inay Yeelataa Maamul Shacabku Doorteen” (DHEGAYSO)

Kooxo burcad hubeysan ayaa xalay laba wiil oo Soomaaliyeed ku dilay dukaamadooda oo ku yaalla tuulada Strand kana tirsan magaalada Cape Town ee dalka Koonfur Africa.

Dhalinyarada la dilay ayaa magacyadooda lagu kala sheegay Cabdirashiid Axmed Sheekh Muxuddiin iyo Mowliid Axmed Cadde, waxaana jira dhaawaca sedax wiil kale oo ku kala sugnaa laba dukaan oo iska soo horjeeday.

Burcada ayaa gashay labada dukaan, kadibna waxay rasaas ku fureen dhalinyaradii ku sugnaa labada dukaan, waxayna burcadda dhac iyo dil isugu dareen dhalinyaradaasi Soomaaliyeed.

Kooxii burcada ee falkaasi dhimashada iyo dhaawaca geystay ayaa goobta isaga cararay, Booliska iyo dhalinyaro kale oo Soomaaliyeed ayaa goobta gurmad ahaan u tegay.

Dalka Koonfur Africa ayaa si joogto ah burcada ku bartilmaameedsadaan dhalinyarada Soomaaliyeed ee ka xoogsata magaalooyinka kala duwan ee Koonfur Africa

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: