Itoobiya oo soo bandhigtay saraakil ka tirsan TPLF

Itoobiya oo soo bandhigtay saraakil ka tirsan TPLF

Dowlada Ethiopia ayaa shaacisay liis ay ku qoran yihiin illaa labaatameeyo saraakiil u badan kornelo oo kamid ahaa xisbiga TPLF kuwaasoo la diley howlgalkii dhawaan ay milatariga Itoobiya ka fuliyeen gobolka Tigray.

Saraakiisha la dilay ayaa waxaa ka mid ah Korneyl Yemane Gebremichael, kaasoo lagu eedeynayo in uu hoggaaminayay xasuuqii ka dhacay Mai Kara.

Wasiirkii hore ee Gaadiidka ee dowlad goboleedka, Mulu Gebregziabher, ayaa isagana lagu qabtay howlgalka ay sida wadajirka ah u fuliyeen ciidamada difaaca Itoobiya iyo booliska federaalka.

Madaxa howlgallada ee wasaaradda difaaca Itoobiya, Janaraal Tesfaye Ayelew, ayaa shir jaraa’id oo uu qabtay ku sheegay liiska saraakiisha TPLF ee lagu dilay howlgalka, kuwaasoo uu sheegay in markii ay isdhiibi waayeen la laayay.

Liiska ayaa waxaa ka dhex muuqday ku dhawaad 20 sarkaal oo magacyadooda lasoo bandhigay.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com