Garoowe: Musharax Xasan Cali khayre & Mahdi Maxmaed Guleed oo kulmay

Garoowe: Musharax Xasan Cali khayre & Mahdi Maxmaed Guleed oo kulmay

Caasimadda Puntland ee Garoowe waxaa ka socda kulamo gooni gooni ah oo ay yeelanayaan Madaxda isugu jira Mucaarad iyto muxaafid oo halkaasi ku wada sugan.

Xalay waxaa Magaalada Garoowe ku kulmay Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo Ra’iisul Wasaare kuxigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed ( Khadar).

Kulanka oo ahaa salaan & isxog-wareysi ayaa labada mas’uul oo bilihii la soo djaafay ku kala maqnaa aragti siyaasadeed ayaa waxaa ay isla soo qaadeen xaalada dalka iyo muranka kajira doorashooyinka.

Waxaa jira mas’uuliyiin kale oo kulamo gar gaar ah ku yeeshay magaalada Garoowe, waxaana dad badan ay sheegeen in kulamadaan ay sahli karaan in xal laga gaaro arrimaha doorashooyinka.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com