Itoobiya oo Markabkii ugu horeeyey ku xiratay Dekadda Musawac ee Eriteriya

HomeWararka

Itoobiya oo Markabkii ugu horeeyey ku xiratay Dekadda Musawac ee Eriteriya

Markabkii ugu horreeyey ee laga leeyahay Itoobiya ayaa ku xirtay dekadda Eritrea ee Masawa 20 sano kaddib, sida ay Twitterka ku qortay warbaahin xirii

Saraakiil ka socda Milatariga Ethiopia, oo maanta soo gaarey Garoowe .
Midowga Musharaxiinta oo Walaac ka Muujiyay Dib U Dhaca Doorashada
Gaalkacyo oo lagu qabtay kulan ku saabsan usinnaanta siyaasada Raga iyo Dumarka (dhegayso)

Markabkii ugu horreeyey ee laga leeyahay Itoobiya ayaa ku xirtay dekadda Eritrea ee Masawa 20 sano kaddib, sida ay Twitterka ku qortay warbaahin xiriir la leh dawladda.

Ra’iisulwasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa hadda ku sugan dalka Eritrea, isaga oo wadahadal la leh madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki, ka dib markii labada masuul ay bishii Luulyo kala sixiixdeen in la soo afjaro colaadii dhex taalay labada dal.

Booqashadan ayaa loo arkaa in ay muhiim u tahay dadaalka Itoobiya oo aan bad lahayn ay ku doonayso in ay ku adeegsato dekadaha Eritrea markii u horraysay tan iyo markii uu qarxay dagaalkii xadka u dhaxeeyay ee labada dal dhex maray intii u dhaxaysay 1998 ilaa 2000, kaas oo galaaftay tobannaan kun oo ruux.

Markabka ayaa ka yimid Sucuudiga, sida ay Twitterka ku baahisay warbaahin gaar loo leeyahay.

COMMENTS

WORDPRESS: 1
DISQUS: