Itoobiya oo ka hadashay rabshado kadhacay gobolka Amxaarada

Itoobiya oo ka hadashay rabshado  kadhacay gobolka Amxaarada

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa cambaareeyay rabshadaha diimeen ee ka dhacay Gobolka Amxaarada, kaddib markii la weeraray Masaajido

Abiy Ahmed ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook ku sheegay in dhacdadii ka dhacday magaalada Mootaa ee deegaanka Amxaarad ainuu ahaa ficil xagjiriinta ku doonayaan inay ku burburiyaan dhaqanka iyo taariikhda soo jireenka ah.

“Kooxaha kala qaybinta bulshooyinka ku howlan oo aan fahanno kana hortagno ayaan badhaadhe ku gaari karnaa” ayuu yiri Abiy Ahmed.

Abiy Ahmed oo sii hadlayay ayaa yiri “Waxaan cambaareynayaa ficilada fulaynimada ah waxaanan ugu baaqayaa dhamaan itoobiyada nabada jecel inay soo bartaan aqoonta qotada dheer ee wada noolaanshaha iyo ixtiraamka.”

Shan ruux oo looga shakisan yahay inay gubeen afar masaajid oo ku yaala gobolka Amxaarada ee Itoobiya ayaa la qabtay sabtidii.

“Shan qof oo looga shakisan yahay inay hogaaminayeen abaabulida weerarada ayaa hada la qabtay” sidaa waxaa tiri Getnet Yirsaw afhayeenka gobolka Amxaarada.

 

 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 1
  • NuurkaNederland 4 years ago

    ETHIOPIA WAA DAD CABUDHSANAA OO MAR KALIYA CABUDHKII LAGA FAYDEY!!!
    TAASI WAXAY SAHASHAY DILKII,BANANNBIXII & IN XUKUUMADA LAYSKU SOO TAAGO,IWM.WAAYO?AWAL DADKU WAY BAQI JIREEN,HADASE WAXOOGAY DHIIRANAANSHO AH BAA JIRTA!!!.WAA TAAS TA SABABTAY.
    OK,WAA DHIBAATOOYINKA AY LEEDAHAY IN HAL MAR SIYAASADU WAREEGTO 36O°.
    WALIBA AFRICADA MADOW UMA WANAAGSANA WEREEGAAS MARKIIBA AH.HAA ISBEDEL TARTIIBA.
    LKN OROMO IYADII BAY KA DHEX TAFAN TAHAY OO ISKU HAYA MUSLIM & GAALO.KOOXDA MUSLIMKA AH WAXAA HORBOODAYA JOWHAR KUWA KALANA ABII.
    DHINACNA AMXAARAA KA JUQAYNAYSA,DHINAC TIKREEGII BAA GAADHGAAD KU JIRA.
    ETHIOPIA WAA HA BOOD BOODO WADAADA BUURAN!!!.YAA IS GAARAYBA!!!

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com