Site icon Radio Daljir

Itoobiya oo ka hadashay rabshado kadhacay gobolka Amxaarada

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa cambaareeyay rabshadaha diimeen ee ka dhacay Gobolka Amxaarada, kaddib markii la weeraray Masaajido

Abiy Ahmed ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook ku sheegay in dhacdadii ka dhacday magaalada Mootaa ee deegaanka Amxaarad ainuu ahaa ficil xagjiriinta ku doonayaan inay ku burburiyaan dhaqanka iyo taariikhda soo jireenka ah.

“Kooxaha kala qaybinta bulshooyinka ku howlan oo aan fahanno kana hortagno ayaan badhaadhe ku gaari karnaa” ayuu yiri Abiy Ahmed.

Abiy Ahmed oo sii hadlayay ayaa yiri “Waxaan cambaareynayaa ficilada fulaynimada ah waxaanan ugu baaqayaa dhamaan itoobiyada nabada jecel inay soo bartaan aqoonta qotada dheer ee wada noolaanshaha iyo ixtiraamka.”

Shan ruux oo looga shakisan yahay inay gubeen afar masaajid oo ku yaala gobolka Amxaarada ee Itoobiya ayaa la qabtay sabtidii.

“Shan qof oo looga shakisan yahay inay hogaaminayeen abaabulida weerarada ayaa hada la qabtay” sidaa waxaa tiri Getnet Yirsaw afhayeenka gobolka Amxaarada.

 

 

Back to Home page