Istiraatiijiyadda Waxbarashada Madaniga ee dib-u-eegista Dastuurka oo la diyaariyay

HomeWararka

Istiraatiijiyadda Waxbarashada Madaniga ee dib-u-eegista Dastuurka oo la diyaariyay

Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo sedexda maalin ee u dambaysay qabanaysay shir lagu diyaarinayay Istiraatiijiyadda

Warka Fiidnimo iyo Jaamac C/raxmaan Faandhe ,Garoowe (dhegayso)
Siyaasi Baaq u diray shacabka Gobalka sool (dhegayso)
Xulashada Daljir iyo Ayaanle Cabdullaahi Jaamac, Daljir Caabudwaaq (dhegayso)

Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo sedexda maalin ee u dambaysay qabanaysay shir lagu diyaarinayay Istiraatiijiyadda Waxbarashada Madaniga iyo Latashiyada Dadweynaha ee dib-u-eegista Dastuurka (DUED) ayaa maanta soo gabagaboobay.

Ka qaybgalayaal ka kala yimid Dawlad Goboleedyada iyo kuwo ka socday Bulshada Rayidka ayaa shirka ka qaybgalayay iyaga oo maskax shiil kadib soo gudbiyay Istiraatiijiyadda diyaarinteeda ay ku hawlanaayeen.

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Mudane Xuseen Cabdi Cilmi oo soo xiray shirka ayaa ka qaybgalayaasha ku ammaanay dedaalka ay geliyeen diyaarinta Istiraatiijiyadda.

Dhanka kale, Mudane Xuseen ayaa sheegay in Istiraatiijiyaddan ay muhiim tahay islamarkaana la adeegsan doono labada sano ee soo socota si Ololaha DUED uu u noqdo mid lagu guuleeysto.

Ugu dambayn, Wasaaradda ayaa muhiimadda koowaad siisay latashiyada Dawlad Goboleedyada iyo Bulshada Rayidka si looga dhabeeyo mabda’a ka qaybgal loo dhanyahay.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: