Imaraadka oo Ciidamo u Tababaraya Somaliland

HomeWararka

Imaraadka oo Ciidamo u Tababaraya Somaliland

Imaaraadka Carabta ayaa tababaraya Ciidamada Somaliland, kaas oo qeyb ka ah heshiiska lagu dhisayo Saldhigga Millateri ee Imaaraadka Carabta ka sameyn

Saaka & Dunida iyo Maxamed Xasan Dhalo, Daljir Garoowe (dhegayso)
Wacaal Daray ah: Sarkaal Boolis oo lagu Dilay Bossaso
Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya oo sheegay in la isku dayeey Afgambi in lagu sameeyo 7 jeer

Imaaraadka Carabta ayaa tababaraya Ciidamada Somaliland, kaas oo qeyb ka ah heshiiska lagu dhisayo Saldhigga Millateri ee Imaaraadka Carabta ka sameynayo Berbera.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa wareysi uu Wakaalada wararka ee Reuters ku siiyay Abu Dhabi ku sheegay in Imaaraadka Carabta ay tababari doonaan Ciidamada Booliska iyo Milateriga Somaliland, isagoo rajo ka muujiyay in heshiiskan lagu soo gabagabeyn doono labo bilood

Imaaraadka Carabta ayaa wax jawaab ah oo cad ka bixin hadalka Muuse Biixi, hase ahaatee waxaa ay Imaaraadka Carabta ku adkeysanayaan inay Boqolaal Milyan oo Dollar ku maalgelinayaan sanadaha soo aaddan si ay isku fidiso khad xeebeedka istiraatiijiga ah ee Gacanka Cadmeed.

Waxaa uu rajo ka muujiyay in sanadkan gudihiisa ay Imaaraadka Carabta ku dhameyn doonaan Saldhigga ay ka dhisanayaan meel ku dhow garoonka diyaaradaha Berbera.

Muuse Biixi waxa uu sheegay in Saldhigga Millatari oo la dhammeystiri doono inta lagu guda-jiro sanadkan ayaa suuragalin doontaa horumar dhaqaalle iyo ammaan si looga hortago kooxaha mayalka adag ee gobolka ku nool.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Sacad Cali Shire oo goobta wareysiga lagu qaadayay oo ahayd Abu Dhabi jooggay ayaa diiday inuu sheego tirada ciidamada Imaaraatka ee saldhigan doona saldhiggaasi.

“Waxaa ammaanku ku jiraa in ciidan badan oo Millatari ah ay ku sugnaadaan deegaanka” ayuu yiri Muuse Biixi

Sidoo kale waxaa uu rajo ka muujiyay in maalgashiga Imaaraadka oo uu ku jiro dhismaha garoon rayid ah oo cusub, dhismaha waddo isku xirta Berbera iyo Ethiopia ay soo kordhin doonto fursado shaqo, isagoo xusay in shaqa la’aan daran ay ka jirto deeggaannada uu ka arrimiyo.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa todobaadkan cod u qaaday shirkadda DP World, iyagoo ka mamnuucay dalka, waxayna laalleen heshiiska.

Muuse Biixi ayaa go’aanka Baarlamaanka Soomaaliya ku tilmaamay wax lagu qoslo iyo gef siyaasadeed oo aan marnaba saameyn doonin heshiiska DP World iyo Ethiopia ay la gaareen.

Biixi ayaa carabka ku adkeeyay in Imaaraadka ay lacago badan dhigan doonaan Bankiga dhexe ee Somaliland, waxaase uu intaasi ku daray in labada dhinac aanu jirin wax heshiis ah oo ay gaareen.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: