Imaaraatka oo cambaareeyay qaraxii lala beegsaday shaqaalaha Turkiga

Imaaraatka oo cambaareeyay qaraxii lala beegsaday shaqaalaha Turkiga

Qoraalka ka soo baxay Imaaraatka Carabta ayaa lagu sheegay iney ka xun yihiin weerar kasta oo argagixisanimo, waxeyna weerarkaasi ku tilmaamtay mid bahalnimo ah.

“dowladda Imaaraadka Carabta waxaa ay si xooggan u cambaareyneysaa weerarkii ka dhacay agagaarka Afgooye ee lala beegsaday Shaqaalaha Turkiga ah iyo Booliska Soomaaliya.” ayaa lagu yiri warka ka soo baxay Imaaraatka Carabta.

Qarixii shalay oo ahaa mid Ismiidaamin ah ayaa loo adeegsaday gaari NOAH ah, iyadoo ay ku dhaawacmeen 10 ruux oo 4 kamida ay ahaayeen Turkida dhiseysa wadada, halka lixda kalena ay ahaayeen askar kamid ah booliska sida gaarka ah u tababaran.

Diiwaanka wararka.

Radio Daljir.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 1
  • Anaga dhan aya ka xun dhacdadas lo geystay shaqalaha Turkish e walalahen nogu yimid cawin waye inkasto hay adaha sirdon somaliyed ay yirahdenba qaraxi x kontarol afgoyo waxa ka danbeysay imaratka lakin aniga ma qabo in imaratka ay Waxa sameyen Fahat yasin imaratka inu xurmeyo rabo

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com