Howlgalo kasocda magaalada Boosaaso iyo madaxweyne Deni oo wali kusugan (Akhriso)

Howlgalo kasocda magaalada Boosaaso iyo madaxweyne Deni oo wali kusugan (Akhriso)

Magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland waxaa ka socda howlgalo amniga lagu xaqiijinayay, kaas oo ay wadaan ciidamada amniga Puntland.

Holwlgalkan ayay ciidamadu ka sameeyeen afarta xaafadood oo ay magaalada ka koobantahay, waxaan lagu soo qabtay dad farabadn kuwaas oo baaritaan dheer kadib ciidamadu ay siidaayeen qaar kood.

Dhinaca kale ciidamo uu hogaaminayo Wasiirka amniga Puntland Cabdismada Galan ayaa u ambabaxy duleeka magaalada Boosaaso gaar ahaan dhanka Buuralayda Galgala oo ah halka ay Al-shabaab duulaanka kaga soo qaadaan ciidamada Puntland.

Guddoomiyaha gobolka Bari Cabdisamad Abwaan oo Daljir ay la xiriirtay si aan howlgalka wax uga waydiino ayaa noo sheegay in ay galabta la hadli doonaan Warhabainta kana warbixin doonaan howlaglkaasi ay ciidamadu ku qaadeen fariisinada Al-shabaab.

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdilaahi Deni ayaa wali ku sugan magaalada Boosaaso, wuxuuna kulamo ku leeyahay xarunta madaxtooyada bulshada qeybaheeda kal duwan iyo saraakiisha laamaha amniga.

Howlgalkan ayaa yimid kadib markii dhowaan uu Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni uu amray in lasoo qabto dadka lagu tuhmayo in ay katirsan yihiin ama xiriir shaqo kala dhaxeyso Al-Shabaab iyo Daacish si loo mariyo baaris lagu hubinayo.

Diiwaanka wararka Radio Daljir.com.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com