Howlgalo ka socda Muqdisho

HomeWararka

Howlgalo ka socda Muqdisho

Ciidamada ammaanka Dowlada Soomaaliya ayaa ka bilaabay caasimada dalka ee Muqdisho howlgalo lagu adkeynayo amniga kadib markii ay kordheen dilalka iyo

Warka Arooryo iyo Maxamed Lakiman, Daljir Garoowe (dhegayso)
Maamulka Jubbaland oo maanta dil ku xukumay nin dilay hooyadiis
Dhoobleey Jubbada Hoose, baqtiga xoolaha oo daadsan & Reerguuraagii oo magaalada soo galay (SAWIRRO)

Ciidamada ammaanka Dowlada Soomaaliya ayaa ka bilaabay caasimada dalka ee Muqdisho howlgalo lagu adkeynayo amniga kadib markii ay kordheen dilalka iyo qaraxyada ka dhaca caasimada.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in howlgaladan ay yihiin kuwo qorsheysan oo lagu doonayo in lagu burburiyo shabakad isku xiran oo la sheegay in ay mas’uul ka yihiin falalka amni darro ee caasimada dalka.

Waxaa la kordhiyay baraha kontaroolada lagu baaro gaar ahaan wadooyinka waaweyn ee magaalada Muqdisho iyadoo dadka su’aalo la weydiinayo.

Magaalada Muqdisho ayaa shalay oo kaliya lagu diley illaa 8 ruux kuwaasoo isugu jira ciidamo iyo dad rayid ah,waxaana sidoo kale toddobaadkii hore la diley labo mas’uul oo ka tirsanaa maamulka gobolka Banaadir.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: 0