Maamulka Jubbaland oo maanta dil ku xukumay nin dilay hooyadiis

HomeWararka

Maamulka Jubbaland oo maanta dil ku xukumay nin dilay hooyadiis

Maxkamada Darajada 1aad ee Magaalada Kismaayo ee dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa soo geba-gabeysay kiis la xiriira dil uu Hooyadiis Magaalada Kismaay

Saaka & Dunida iyo Maxamed Lakiman, Daljir Bosaaso (dhegayso)
Hadalhaynta Saaka iyo Diyaarado Dagaal oo Garoowe Dulmaray, (Sawirro)
Ergeygii Midowga Africa ee Soomaaliya oo iscasilay

Maxkamada Darajada 1aad ee Magaalada Kismaayo ee dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa soo geba-gabeysay kiis la xiriira dil uu Hooyadiis Magaalada Kismaayo ugu geystay Xasan Cabdullaahi Cabdi oo kamid ah dadweynaha Magaalada Kismaayo.

Falkan dilka ayaa ka dhacay Magalada Kismaayo 11-6-2023, iyada oo Xasan Cabdullaahi Cabdi uu maxkamadda ka hor khirtay dilka Hooyadiis oo lagu Magacaabi jiray Xaliimo Maxamed Cumar.

Maxkamada Darajada 1aad ee Magaalada Kismaayo oo fadhiyo kala duwan soo marsiisay kiskaan ayaa ugu dambeyn Xasan Cabdullaahi Cabdi oo 37 sano jir ah waxaa ay ku xukuntay dil toogasho ah oo ah qisaasta Hooyadiis, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Maxkamadda.

Maxkamadda Daraajada 1aad ee degmada Kismaayo markii ay aragtay qiraalka eedeysane Xasan Cabdullaahi Cabdi iyo marki ay aragtay warqadda Isbitaalka dhimirka ee Dahraan laguna cadeeyay in eedeysanaha uu caafimaadkiisa taam yahay, sidoo kalena ay dhageysatay warbixinta Booliska gaar ahaan warbixinta sarkaalka tegay goobta uu falka ka dhacay soona qabtay eedeysanaha, isaga oo gacmaha dhiig ku leh lagu xukumay dil toogasho.

Falkii dilka ahaa ee uu Magaalada Kismaayo ugu geystay Xasan Cabdullaahi Cabdi Hooyadiis Xaliimo Maxamed Cumar ayaa waxaa aad uga argagaxay Shacabka Magaalada, waxaana Xasan la sheegay in uu muddo qurba-joog ahaa markii dalka dib loogu soo celiyay uu dilay Hooyadiis.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: