Howlgalka ATMIS oo hub laga furtay Al-Shabaab ku wareejiyay Ciidanka xoogga dalka

HomeWararka

Howlgalka ATMIS oo hub laga furtay Al-Shabaab ku wareejiyay Ciidanka xoogga dalka

Ciidanka howl-galka midowga Afrika ee ATMIS ayaa hub laga furtay Ururka Al-shabaab waxa ay ku wareejiyeen Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, kuwaas o

Dowladda Sacuudiga oo dadaal ugu jirta dhexdhexaadinta DF Soomaaliya iyo Imaaraatka
XULASHADA DALJIR | XAAWO AXMED MAXAMED | GAROWE 23 -JANUARY-2023
Al-shabaab oo shan ruux ku toogtay Jilib

Ciidanka howl-galka midowga Afrika ee ATMIS ayaa hub laga furtay Ururka Al-shabaab waxa ay ku wareejiyeen Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, kuwaas oo lagu soo furtay howlgallo la sameeyay.

Hubkan oo isugu jira dheshiikayaal, hubka fudud iyo rasaas fara badan ayaa waxaa kasoo furtay Al-shabaab Cutubyo ka tirsan Ciidanka xoogga dalka iyo kuwa ATMIS oo howl-gallo ka sameeyay qeybo ka mid ah Shabeellada hoose.

Marwo, Fiona Lortan, oo ah taliye ku xigeenka ATMIS ayaa sheegtay in dowladda Soomaaliya iyo howl-galka midowga Afrika ay diiwaan gelin doonaan dhammaan hubka laga furto Al-shabaab.

Taliyaha ciidanka Lugta ee Soomaaliya Jeneraal: Maxamed Tahliil Biixi ayaa ka mahad celiyay hubka ay ATMIS ku wareejisay SNA, wuxuuna bogaadiyay iskaashiga ka dhexeeya xoogagga midowga Afrika iyo Ciidanka xoogga dalka.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: