Dowladda Sacuudiga oo dadaal ugu jirta dhexdhexaadinta DF Soomaaliya iyo Imaaraatka

HomeWararka

Dowladda Sacuudiga oo dadaal ugu jirta dhexdhexaadinta DF Soomaaliya iyo Imaaraatka

Dowladda Sacuudi Carabiya ayaa dadaal ugu jirta dhexdhexaadinta dowladda Imaaraatka Carabta iyo Soomaaliya oo uu ka dhex jiro khilaaf dibulumaasiyadee

Warka Maanta ee maalinka JIMCAHA iyo Xuseen Madar (dhegayso)
Warka Caweysin Iyo Xuseen Madar, Daljir Bosaaso (dhegayso)
Taliska Bilayska Burtinle: “Ciddii aan Bixin Canshuurta Dowladda Tallaabo ayaa laga Qaadayaa” (dhegayso)

Dowladda Sacuudi Carabiya ayaa dadaal ugu jirta dhexdhexaadinta dowladda Imaaraatka Carabta iyo Soomaaliya oo uu ka dhex jiro khilaaf dibulumaasiyadeed.

Khilfaaka labada dal ee Soomaaliya iyo Imaaraatka Carabta ayaa sare u kacay, kadib markii ay dowladda faderaalka Soomaaliya ay qabatay lacag dhan 9.6 milyan oo doolar oo laga soo dejiyay garoonka diyaaradaha ee Muqdisho, taasi oo ay lahayd dowladda Imaaraatka Carabta.

Dowladda Imaaraatka ayaa dacwad ka dhan ah u gudbisay jaamacadda Carabta oo ay kaga cabanayso Soomaaliya, waxaana dadaalkan uu hadda bilaabay Sacuudiga uu imaanayaa iyadoo magaalada Damaam ee boqortooyada Sacuudiga uu ka furmayo shirka Jaamacadda Carabta oo ay ka qaybgalayaan madaxda sare ee labada dal Imaaraatka iyo Soomaaliya.

Tan iyo markii ay dowladda dhexe Soomaaliya ay mowqif dhexdhexaad ah ka qaadatay khilaafka dowladaha Khaliijka waxaa soo kordhayay xiisad ka dhalatay go’aankaasi oo ay siwayn uga carootay dowladda Imaaraatka Carabta oo gacanta ku haysa ciidamo badan oo Soomaaliyeed oo ku sugan Muqdisho iyo gobolada dalka.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: