HomeUncategorized

Howl-galka la dagaalanka Burcad-badeeda oo Seychelles ku wareejiyey Soomaali hor leh oo eedaysan

Port Victoria, December 3, 2013 - Hay?addaha amniga ee Jasiirada Seychelles ayaa la wareegay sagaal dhalinyaro Soomaali ah oo lagu soo qabtay falal burcad-badeednimo, xili ay weerareen Markab xamuul.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta dalka kusoo laabtay.
Dowladda Puntland oo Dhakhaatiir u Dirtay Goobaha ka baxsan laamiga
Todobaadka Wacyigelinta Naasnuujinta oo lagu qabtay magaalada Bosaso (Sawiro)

Port Victoria, December 3, 2013 – Hay?addaha amniga ee Jasiirada Seychelles ayaa la wareegay sagaal dhalinyaro Soomaali ah oo lagu soo qabtay falal burcad-badeednimo, xili ay weerareen Markab xamuul oo marayey xeebaha ku dhow Soomaaliya.

Afhayeen u hadlay booliska Seychelles ayaa shaaciyey in ay oggolaadeen in ay maxkamad saaraan sagaal dhalinyaro Soomaali ah oo ku eedaysan Burcad-badeednimo.

Ragga lagu wareejiyey Jasiirada Seychelles ayaa waxay dhowaan weerar ku qaadeen Markab xamuul oo laga leeyahay dalka Denmark, balse waxaa badbaada Markabkaas ka qayb qaatay gaadiidka dagaalka kula jira Burcad-badeeda ee jooga xeebaha gobolka.

Markabka Burcad-badeedu weerartay ee la badbaadiyey ayaa la yiraahdaa Torm Kansas.

Seychelles waxay sheegtay in raggan lagu tuhusan yahay inay sidoo kale bishii November weerar ku qaadeen markab uu ka bab-banayey calanka Hong Kong, in kastoo ay iska cabin kala kulmeen illaalo hubaysan oo Markabka saarnaa.

Britain ayaa bishii October ka digtay inay awood yeeshaan Burcad-badeeda oo dhowr isku day sameeyey bilihii ugu dambeeyey, weeraradda Burcad badeeda ee ka dhici jiray xeebaha Soomaaliya ayaa hoos u dhacay sanadkii ugu dambeeyey, kadib dagaal awood badan oo kooxda lala galay.

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: