Madaxweyne Faroole oo magcaabay guddiga ansixinta iyo xalinta khilaafaadka Puntland (Dhegeyso)

Garoowe, December 3, 2013 – Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Faroole ayaa maanta ku dhawaaqay guddiga ansixinta iyo xalinta khilaafaadka gollaha wakiilada Puntland, kuwaas oo keenistooda muran badan ka taagna habka ay ku imanayaan.

Qoraal ka soo baxaxy xafiiska madaxweynaha ayaa lagu shaaciyey guddiga oo ka kooban 7 xubnood iyo xoghayn oo uu digreeto ku soo magcaabay madaxweyne Faroole, sida uu ku dhawaaqay agaasime ku xigeenka madaxtooyada Axmed Caydiid.

????????? Eng.Yuusuf Abshir Cadami Gudoomiye

????????? Cismaan Guureeya Kaarshe??????????????? ????????????????????????????Xubin

????????? Egn.Maxamuud Axmed Xasan???????? ??????????????????????????????Xubin

????????? Maxamed Cabdilaahi Faarax(Cillal)???????????????????????????? ??Xubin

????????? Caaqil Cabdiraxmaan Axmed Xaaji Diiriye?????????????????? Xubin

????????? Caaqil Abshir Cabdi-Raxmaan Caraale (Dhegacas)?? ?Xubin

????????? Caaqil Siciid Xasan Xaaji Yuusuf (Warabacade)????? ?????Xubin

????????? Maxamed Cabdiqaadir Cismaan??????? ???????????????????????????Xoghayn.

Madaxweyne Faroole ayaa ugu baaqay beelaha in ay deegaankooda ku soo xalistaan khilaafka la xiriira xildhibaanada cusub ee imanaya, taas oo sahlaysa in wax badan u fududdaan guddiga xalinta khilaafaadka doorashada.

Guddiga waxaa ku jira isimo, madaxweynaha ayaa wax wanaagsan ku tilmaamay kaalinta odoyaasha ee guddiga ka dhex muuqda.

Dr. Faroole ayaa si cad u sheegay in madaxweynuhu xaq u leeyahay in uu isagu keeno guddiga xalinta khilaafaadka, isagoo waxba kama jiraan ku tilmaamay hadal ka soo yeeray musharaxiinta oo sheegay in aysan aqbali doonin guddiga hadii aan lagala tashan.

Diiwaanka wararka

Radio daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com