Hoggaamiyaha oo shir-guddoomiyay kulanka Todobaadlaha ah ee Golaha Fulinta maamulka SSC-Khaatumo.

Hoggaamiyaha oo shir-guddoomiyay kulanka Todobaadlaha ah ee Golaha Fulinta maamulka SSC-Khaatumo.

Laascaanood, November 02 2023:- Hoggaamiyaha Maamulka SSC-Khaatumo Mud. Cabdiqaadir Aw-Cali ayaa shir guddoomiyey kulankii 4aad ee Golaha Fulinta Maamulka.

Kulanka waxaa qayb ka ahaa Hoggaamiye Ku xigeenka Maamulka SSC-Khaatumo Dr. Maxamed Cabdi Ismaaciil iyo Xoghayeyaasha Golaha Fulinta Maamulka.

Ajandaha kulanka ayaa ahaa dib-u-eegista wixii ka qabsoomay awaamiirtii ka soo baxday kulankii hore ee Golaha Fulinta, iyadoo sidoo kale diirrada la saaray amniga iyo difaaca deegaannada Maamulka SSC-Khaatumo.

Hoggaamiyaha ayaa Golaha faray dedejinta xeerarka iyo qorsheyaasha hortebinta u leh maamulka sida amniga iyo difaaca, maaliyadda, caafimaadka, waxbarashada iyo horumarinta dhaqaalaha.

Hoggaamiyaha ayaa Shacabka SSC-Khaatumo ugu baaqay in ay diyaar u ahaadaan in ay ka qayb qaataan ilaalinta amniga gudaha iyo difaaca deegaannada Maamulka SSC-Khaatumo, isagoona ku boorriyey garab-istaagga ay markasta u muujiyaan ciiddammada difaaca iyo kuwa amniga gudaha ba.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com