Hoggaamiyaha oo shir-guddoomiyay kulanka Todobaadlaha ah ee Golaha Fulinta maamulka SSC-Khaatumo.

HomeWararka

Hoggaamiyaha oo shir-guddoomiyay kulanka Todobaadlaha ah ee Golaha Fulinta maamulka SSC-Khaatumo.

Laascaanood, November 02 2023:- Hoggaamiyaha Maamulka SSC-Khaatumo Mud. Cabdiqaadir Aw-Cali ayaa shir guddoomiyey kulankii 4aad ee Golaha Fulinta Maam

Nabadsugidda Jubaland oo Kismaayo ku soo bandhigay qaraxyo (Sawiro)
Soomaaliya oo la sheegay in ay halis ugu jirto Coronavirus.
Xulashada Daljir & Maxamed Lakiman, Daljir Gaalkacyo (dhegayso)

Laascaanood, November 02 2023:- Hoggaamiyaha Maamulka SSC-Khaatumo Mud. Cabdiqaadir Aw-Cali ayaa shir guddoomiyey kulankii 4aad ee Golaha Fulinta Maamulka.

Kulanka waxaa qayb ka ahaa Hoggaamiye Ku xigeenka Maamulka SSC-Khaatumo Dr. Maxamed Cabdi Ismaaciil iyo Xoghayeyaasha Golaha Fulinta Maamulka.

Ajandaha kulanka ayaa ahaa dib-u-eegista wixii ka qabsoomay awaamiirtii ka soo baxday kulankii hore ee Golaha Fulinta, iyadoo sidoo kale diirrada la saaray amniga iyo difaaca deegaannada Maamulka SSC-Khaatumo.

Hoggaamiyaha ayaa Golaha faray dedejinta xeerarka iyo qorsheyaasha hortebinta u leh maamulka sida amniga iyo difaaca, maaliyadda, caafimaadka, waxbarashada iyo horumarinta dhaqaalaha.

Hoggaamiyaha ayaa Shacabka SSC-Khaatumo ugu baaqay in ay diyaar u ahaadaan in ay ka qayb qaataan ilaalinta amniga gudaha iyo difaaca deegaannada Maamulka SSC-Khaatumo, isagoona ku boorriyey garab-istaagga ay markasta u muujiyaan ciiddammada difaaca iyo kuwa amniga gudaha ba.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: