Soomaaliya oo la sheegay in ay halis ugu jirto Coronavirus.

HomeWararka

Soomaaliya oo la sheegay in ay halis ugu jirto Coronavirus.

Digniino culus oo waaweyn oo ka soo baxday dad muwadiniin Soomaaliyeed ah ayaa tilmaamaya in Puntland ay halis ugu jirto caabuqa coronavirus in uu ka

Reer Sacuudi oo is Afgambiyey iyo Saadaasha Fog ee Sacuudiga
Ururka Mideeye oo Kulan ugu qabtay Jariiban Tageerayaashiisa
Madaxda dowladaha xubnaha ka ah dowladda dhexe oo ku kulmaya Baydhabo

Digniino culus oo waaweyn oo ka soo baxday dad muwadiniin Soomaaliyeed ah ayaa tilmaamaya in Puntland ay halis ugu jirto caabuqa coronavirus in uu ka dilaaco, haddii ay xakameyn weyso dadka soo galaya gudaha Puntland.

Garoomada diyaraadaha ee magaalooyinka Puntland ayaa waxaa laga howl geliyey shaqaale loo tababaray hubinta dadka ka imaanaya dibadda ee ka soo degaya garoomada.

Balse Puntland wax taxadar ah kama muujin dhinaca badda iyo xuduudaha, taasi oo khataro uga imaan karta shacabka Puntland ayaa lagu yiri digniinta.

Puntland ayaa xiriir dhinaca kalluumeysiga ah la leh wadanka Iran, oo maraakiibta kalluuemysi ee Iran waxa ay ka kalluumeystaan xeebaha Puntland.

Waxaa la sheegayaa in xeebaha Puntland iyo dekadda Bosaso ay ku soo wajahan yihiin kalluumeysato fara badan oo ka soo jeeda Iran, kuwaasi oo ka imaanaya Iran.

Wadanka Iran ayaa saacadihi la soo dhaafay ku dhawaaqay kiisas hor leh oo coronavirus ah, iyadoo ay u dhinteen 11 qof,

Tirada guud ee dadka Iraniyiinta ah ee u dhintay oronavirus ayaa ah 54 qof.

Wadamada Czech Republic, Scotland iyo Dominican Republic ayaa dhankooda xaqiijiyey kiisaskii ugu horeeyey ee oronavirus ah.

Tirada guud ee dadka u dhintay caabuqa cronavirus ayaa ah 2,900, iyadoo ay la il daran yihiin 87,000 qof..

Wadamada Imaaraatka Carabta iyo Qatar ayaa sidoo kale gaaray cudurkaasi.

Diiwaanka wararka.
Radio Daljir.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: