Tirada weerarada Al-shabaab ay ka fulisay Kenya oo la shaaciyay

Tirada weerarada Al-shabaab ay ka fulisay Kenya oo la shaaciyay

Ugu yaraan 20 qof oo shacab ah ayaa ku geeryooday weeraro loo maleenayo in ay ka dambeeyaan Alshabaab kuwaas oo ay sameeyeen labadii Bilood ee lasoo dhaafay ee bilowga Sanadkan.

Falanqeyn uu sameeyey wargeyska Sunday Nation ayaa soo bandhigtay in alshabaab sanadkan ay Kenya ka sameeyeen 16 weerar kuwaas oo dhamaantood ka dhacay gobolada Waqooyi Bari iyo Xeebaha ee Kenya.

Weeraradu waxay ka dheceen Gaarisa, Mandheera, Wajeer iyo Lamu intii u dhaxeysay bishii Janaayo iyo Febraayo xitaa iyadoo kooxda xiriirka la leh Al-Qaacida ay kor u qaadday ololahooda dalka Kenya.

Gaarisa oo ka tirsan Gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya ayaa waxaa ay Alshabaab ka geesteen 8 weeraro kaliya labada bilood ee sanadkan.

Weeraradan, gobolka Gaarisa ayaa sababay dhimashada 10 qof oo ay ku jiraan Macalimiin,Arday iyo Saraakiisha amaanka.

Siddeed weerar oo ka dhacay Gaarisa, lix ayaa ka dhacay Ijara, oo sannadkan u muuqatay iney tahay meesha ugu badan ee wararada ay ku jeedaan sida lagu sheegay warbixinta Daily Nation.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com