Hoggaamiyaha Aqlabiyada Baarlamaanka kenya Aadan Ducaale oo xilka si rasmi ah looga Xayubiyeey

HomeWararka

Hoggaamiyaha Aqlabiyada Baarlamaanka kenya Aadan Ducaale oo xilka si rasmi ah looga Xayubiyeey

Aadan Barre Ducaale oo ahaa Hoggaamiyaha Aqlabiyada Baarlamaanka Kenya ayaa laga xayuubiyay xilka, kaddib kulan uu shir guddoominayay Madaxweynaha Ken

Saaka & Dunida iyo Maxamed Lakiman, Daljir Gaalkacyo (dhegayso)
Madaxweynaha Puntland oo Kulan La Qaatay Dhaliyarada Gobolka Bari (Daawo)
Wasiir hore Cali Cabdullaahi: “Waxaan iska casilay dowlad fashilantay oo musuqmaasuq ragaadiyey …” (dhegayso)

Aadan Barre Ducaale oo ahaa Hoggaamiyaha Aqlabiyada Baarlamaanka Kenya ayaa laga xayuubiyay xilka, kaddib kulan uu shir guddoominayay Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta oo ay yeesheen Xisbiga talada haya.

Xil ka xayuubintan ayaa ka dambeysay markii inta badan Xubnaha Xisbiga Jubilee ee talada haya ay saxiixeen mooshin xil ka xayuubin ah.

Aadan Barre Ducaale ayaa muddo 8 sano ahaa ninka 3aad ee ugu awoodda badan dalka Kenya, isagoo xubin muhiim ka ahaa Xisbiga Jubilee ee uu hoggaamiyo Uhuru Kenyatta.

Waxaa xilka Hoggaamiyaha Aqlabiyada Baarlamaanka loo doortay Amos Kimunya, halka Aadan Keynaan Xoghayaha Guud ee isbaheysiga talada haya oo ka soo jeeda Gobolka Waqooyi Bari Kenya.

Isbedelada ku socda isbaheysiga talada haya ee Kenya ayaa yimid, markii Madaxweyne Uhuru Kenyatta kala tageen isaga iyo Madaxweyne kuxigeenkiisa William Ruto, iyadoo Uhuru Kenyatta uu haatan isbaheysi la sameystay Raila Odinga.

Uhuru Kenyatta ayaa la filayaa inuu noqdo Ra’iisul Wasaare awood badan, halka Raila Odinga noqon doono Madaxweyne, waxaana socota olole dastuurka dalka Kenya wax looga bedelayo.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: