Wasiir hore Cali Cabdullaahi: “Waxaan iska casilay dowlad fashilantay oo musuqmaasuq ragaadiyey …” (dhegayso)

Iscasilaaddii Wasiirka Deegaanka Puntland Cali Cabdullaahi kabacdi waxaa noo suurtoowday in aan Wasiirkii hore ka waraysano sababaha iscasilaaddiisa. Mudane Cali oo aad u dhaliilsan Madaxtooyada Puntland ayaa faahfaahiyey waxqabadkiisii intii uu wasiirka ahaa, dhaliilana u soojeediyey hoggaanka Madaxweynaha Puntland iyo waxa uu ku sheegay hay’ado Madaxtooyada hoostaga oo la wareegay shaqadii Wasaaradda, Madaxweynuhuna uu saas raalli uga yahay.

Mashaariicda musuq darti u fashilmay waxaa kamid ah buu yiri Jidka Jalam-Xarfo oo dowladda Jarmalku ay u laashay musuqmaasuq ragaadiyey dartiis.

Waxaa waraystay Jamaal Faarax Adan.

Waraysiga Muuqaalka Bulshada.

Sidoo kale Wasiir hore Cali Cabdullaahi waxa uu saaka ka qaybqaatay Barnaamijka caanka ee Muuqaalka Bulshada iyo Xasan Heykal, waxa uuna barnaamijka ku faahfaahiyey sababta ku kalliftay in waqtigii dowladda oo sii dhammaanaya uu iscasilo.


Posted

in

,

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com