Heshiiska Milatari ee Dowladaha  Ruushka & Itoobiy

HomeWararka

Heshiiska Milatari ee Dowladaha Ruushka & Itoobiy

Dowladda Itoobiya ayaa heshiis Iskaashi Militari ah la gashay dowlada Ruushka, iyadoo heshiiskuna uu yahay mid la xiriira Aqoonta Ciidan, Difaaca, Awo

Tahribayaal Somaali iyo Itoobiyaan isugu jirra oo ku dhintay Xeebaha Dalka Yeman
Midowga Afrika oo qiimaynaya ammaanka Soomaaliya
Wasaaradda Gargaarka & kahortaga Musibooyinka oo Agab Cafimaad lagu wareejiyeey (Sawiro)

Dowladda Itoobiya ayaa heshiis Iskaashi Militari ah la gashay dowlada Ruushka, iyadoo heshiiskuna uu yahay mid la xiriira Aqoonta Ciidan, Difaaca, Awoodda farsamo iyo qalabka ay adeegsanayaan.

Heshiiskan ayaa yimid kadib shir saddex cisho ah oo labada dowladood ay yeesheen,sida ay shaacisay Wakaaladda Wararka Itoobiya ee FANA

Maamulka Abiy Ahmed ayaa ka corooday go’aanka Mareykanka ee xayiraadda socdaalka looga joojiyay Saraakiisha Dowladda ee ku eedeysan dhibaatooyinkii ka dhacay Ismaamulka Tigray ee dhaca Waqooyiga Itoobiya.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaare Abiy ayaa ku tilmaamay dowlada Maraykanka inay garab u tahay dowlada Maraykanka dalalka Masar iyo Suda khilaafka ka jira dhismaha biyo xireenka Nile.

Mareykanka waxa uu garab xooggan Itoobiya ku siiyay dhinacyada Militariga, dhaqaalaha iyo arrimo kale, balse xiriirkooda ayaa xumaaday kadib markii November 2020 Abiy Ahmed uu amray in dagaal lagu soo afjaro Xoogagga Tigray oo ka soo horjeeste dib u dhigista doorashada dalka Itoobiya.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: 0