Hay’adda WHO oo sheegtay in 10% bulshada caalamka uu gaarayo COVID-19

HomeWararka

Hay’adda WHO oo sheegtay in 10% bulshada caalamka uu gaarayo COVID-19

Khuburada caafimaadka WHO ayaa sheegay in kiisaska cudurka Coronavirus ee laga diiwaan galiyey caalamka ay hadda sii dhaaftay 35-milyan oo ruux, taas

Xaliimo Yareey oo ku baaqday in laga raro Xarunta ay ku leeyihiin Madaxtooyada
Taalibaan oo sheegtay in uu buray heshiiskii mareykanka ay lagaleen kuna hanjabay weeraro ka dhan ah ciidamada Afgaanistaan
Caawa & Daljir iyo Cabdifatax Cumar Geeddi, Daljir Bosaaso (dhegayso)

Khuburada caafimaadka WHO ayaa sheegay in kiisaska cudurka Coronavirus ee laga diiwaan galiyey caalamka ay hadda sii dhaaftay 35-milyan oo ruux, taas oo la qiyaasayo inay gaarto ilaa 800 oo milyan, halka dadka u ka soo kabtay ay maayso 24.6 milyan, dhimashaduna ay gaartay 1.04 milyan, walina ay malaayiin ruux Isbitaalada la jiifaan, taasi waxay ka dhigantahay in 10% bulshada caalamka uu haleelay cudurku, sida uu xusay Mike Ryan oo ah agaasimaha xaaladaha deg dega ah ee hey’adda.

WHO waxay mar kasta ku doodaysaa in tirada hadda la heyo ee cudurku uu haleelay ka badan tahay tan dhabta ah, waxaana kulan gaar ah oo saarakiisha WHO ku yeeshay xarunta hey’adda ee Geneva Switzerland kaga doodeen sida looga jawaabi karo safmarka COVID-19.

Toban bilood oo xaaladdan taagneyd ilaa iyo hadda ma jirto calaamad tilmaamaysa in u dhammaanayo cudurka.

Wadamo dhowr ah waxaa hadda ay wajahayaan wajigii labaad ee cudurka ka dib markii xayiraadihii hore loo soo rogay la qafiifiyey, iyadoo hadda ay sii kordhayaan tirada kiisaska cudurka.

Agaasimaha guud ee WHO Tedros Adhanom Ghebreyesus ayaa hogaamiyeyaasha dunida ugu baaqay in laga wada shaqeeyo sidii loo xakameyn lahaa safmarka coronavirus.

“In kasta oo waddammada oo dhan uu saameeyey fayraskan, waa in aan xusuusnaano in tani ay tahay cudur faafa oo aan sinnayn. Toban dal ayaa u dhigma 70% dhammaan kiisaska la soo sheegey iyo dhimashada seddex waddan oo keliya ayaa u dhigma kala bar, ” ayuu yiri.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: