Taalibaan oo sheegtay in uu buray heshiiskii mareykanka ay lagaleen kuna hanjabay weeraro ka dhan ah ciidamada Afgaanistaan

HomeWararka

Taalibaan oo sheegtay in uu buray heshiiskii mareykanka ay lagaleen kuna hanjabay weeraro ka dhan ah ciidamada Afgaanistaan

Ururka Taalibaan ayaa ku dhawaaqay iney dhammaatay xabbad joojinta dhinaca ahayd, xilli ay maalmo un ka soo wareegtay heshiiski ay la saxeexdeen Marey

Rooble oo sheegay inay meel wanaagsan marayaan xalinta khilaafka siyaasiyinta Somaliland
Madaxweynaha Galmudug oo Gaalkacyo gaaray (Sawiro)
Madaxweynaha Hirshabelle Waare oo faahfaahiyeey dagaalo ka dhacay deganaadu madaxda kayahay (Daawo)

Ururka Taalibaan ayaa ku dhawaaqay iney dhammaatay xabbad joojinta dhinaca ahayd, xilli ay maalmo un ka soo wareegtay heshiiski ay la saxeexdeen Mareykanka.

Ururku wuxuu toddobaadyadi ugu dambeeyey uu yareeyey weerarradi uu qaadi jiray ilaa marki dambe heshiis la gaaray.

Heshiiska ay Taalibaan iyo Mareykanka kala saxeexdeen waxaa ka mid ahaa in wadahadallo nabadeed lala billaabo dowladda ka arrimisa dalka Afqaanistaan.

Balse afhayeenka Ururka Taalibaan oo Isniinti hadlay wuxuu sheegay wax wadahadal ah inuusan dhaceyn ilaa ay dowladda sii deyso 5,000 oo maxbuus oo ay Taalibaan ka hayso.

Heshiiskii Dooxa ka dib muxuu sameyn karaa ururkaTaalibaan?
Heshiiska ay gaareen labada dhinac oo qayb ka mid ah la baahiyey waxaa SabtidiI lagu saxeexay dalka Qatar.

Hase yeeshee, Axaddi Madaxweynaha dalka Afghanistaan Ashraf Ghani ayaa warbaahinta u sheegay iney dowladdiisu wax heshiis ah oo ku saabsan sii deynta maxbiista ay cidna la gelin.

“Ma jiraan wax ballaan qaad ah oo aan u sameeynay 5,000 oo maxbuus in la sii dayo, arrintaasina waxaa xaq u leh ama oggolaan karo shacabka Afghanistaan. Ma aha in lagu daro wadahadallada nabadeed ee Afghaanistaan lagu yeelanayo. Mana aha in shuruud looga dhiga wadahadal dhaca” ayuu yiri Madaxweyne Ghani.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: