Haddii gawaarida Oromadu ka dhex shaqayso deegaanka Soomaalida maxaa Soomaalida sidoo kale u diidaya? (Qormo)

HomeWararkaDowladda Deegaanka Soomaalida

Haddii gawaarida Oromadu ka dhex shaqayso deegaanka Soomaalida maxaa Soomaalida sidoo kale u diidaya? (Qormo)

Haddii aad hore ula yaabaneyd sababta maamulka Madaxweyne Mustafe Cagjar uu weli uga hadli la'yahay xasuuqa iyo barakaca ku socda Soomaalida deegaanka

Barakacayaasha Qoloji, la’aanta xarun caafimaad iyo dhoohanaanta Jigjiga
Qabridahare oo laga hirgalinayo Mashaaric kala duwan.
Dhismaha wadda dhaxmarta xaafadaha 11-12 ee Jigjiga (Sawirro)

Haddii aad hore ula yaabaneyd sababta maamulka Madaxweyne Mustafe Cagjar uu weli uga hadli la’yahay xasuuqa iyo barakaca ku socda Soomaalida deegaanka Tulliguuleed, maantana ha la yaabin in gawaadhida ganacsiga iyo kuwa rakaabka ee deegaanka Soomaalida ka dhex shaqeeya ay u badanayaan gawaadhi laga leeyahay deegaanka Oromia, ayna ku xidhantahay taarikada Dowladda Oromia. Gawaarida Oromada ayaa waxa kale oo ay u kala gooshaan Wajaale illaa iyo Addis Ababa.

Haddii aad yaabtay weli ha yaabin!

Halka gawaadhida Oramadu halkay rabaan u gooshaan, kana gooshaan, gawaadhida laga leeyahay deegaanka Soomaalida, ayna ku xirantahay taarikada Dowlad Deegaanka Soomaalida, ayaan iyagu Jigjiga kor u dhaafi karin.

Bal yaabka iyo amakaagu yuusan kula tagine, tagaasida loo yaqaan Bajaajta ee ka dhex shaqeysa magaalada Jigjiga qaarkood ayaa laga leeyahay Oromia, waxayna Jigjiga ka xamaashaan iyadoo ay ku xidhantahay lambarka taarikada Oromia.

Haddaba ma is leedahay Bajaajle Soomaaliyeed baal dhulka Oramada Bajaaj kaga xammaalan kara? Jawaabtu waa maya. Tusaale: Magaalada Baabili ee Kililka Oromia oo Jigjiga u jirta 40 KM haddii Bajaajle ama gaadiid Soomaali leedahay uu cagta dhigo haddii aan la dilin waa la dhacaa.

Weli ma yaabantahay? Ha yaabin oo bal in maamulka Mustafe Cagjar wax ka qabto warkeeda daaye, xataa maamulka Jigjiga weli su’aal iskama aysan weydiin ammuurtaas!

Haddaba sidee Soomaalida Jigjiga iyo kuwa Dowlad Deegaanka Soomaalidu ula yaabi karaan in maamulka Mustafe Cagjar uusan weli su’aal ka keenin barakaca iyo xasuuqa Oramadu ka waddo deegaanka iyo degmooyinka Tulliguuleed, hadde waa Tulliguuleed oo Jigjiga u jirta 30 KM, haddiiba uusan dan ka laheyn in Bajaajlihii Jigjiga uu maanta Jigjiga shaqo-la’aan ku yahay?

Laakiin su’aal kale baa ayana maanta taagan: Haddii Maamulkii Mustafe Cagjar weli la raadinayo aaway maamulkii magaalada Jigjiga?

Haddaad weli yaabantahay la soco qormadeyda asbuuca danbe iyo yaab kale.

WQ: Muwaadin reer Jigjiga oo xal iyo xorriyad doon ah!

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: