Barakacayaasha Qoloji, la’aanta xarun caafimaad iyo dhoohanaanta Jigjiga

Barakacayaasha Qoloji, la’aanta xarun caafimaad iyo dhoohanaanta Jigjiga

Barakacayaasha Qoloji ee ku soo barakacay dagaalada Oromada ayaa barakaca iyo hoy-la’aanta waxaa u weheliya caafimaad darro iyo la’aan xarun caafimaad oo lagu dabiibo bukaan-socodka, haba ugu darnaadeen waayeelku.

Bukaanka xerada Qoloji ee galbeedka Jigjiga ayaa waxaa hadda lagu dabiibaa cisbitaalka Jigjiga oo xerada qiyaas ahaan u jira 69 KM, mana jirto xataa hal aanbalaas oo ka dhex shaqeysa Qoloji iyo Jigjiga, taasina waxay ay keentay in bukaanka, siiba waayeelka aan awoodin in ay bajaaj kireystaan in lagu qaado gaari gacan.

Barakacayaasha Qoloji oo maamulka Jigjiga iyo kan Dowlad Deegaanka ee Madaxweyne Mustafe Cagjar u gudbiyey baahiyo ay ku jiraan aanbalaas iyo MCH ayaan illaa iyo hadda wax jawaab ah ka helin codsiga ay maamulkooda u gudbiyeen, meesha bishii May 2019 Madaxweyne Mustafe Cagjar uu barakacayaasha Amxaarada ugu deeqay lacag dhan Birr 10,000,000, una dhiganta $250,000. Madaxweyne Mustafe Cagjar ayaa sidoo kale sannad kahor bishii Siteenbar 2018 barakacayaasha Oromada ugu deeqay lacag dhan Birr 40,000,000, una dhiganta $1,000,000.

Diiwaanka wararka DDS

Radio Daljir

Jigjiga

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com