HomeUncategorized

Gudoomiyaha baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan oo gaaray Baydhabo

Baydhabo, May 17 - Gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo wefti uu hogaaminayo ayaa gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Warbixin ku saabsan xaaladda dhaqan, dhaqaale, waxbarasho, caafimaad iyo midda ammaan ee Buutinle.
Prof. Axmed Muumin Warfaa, oo la-taliye sare u ahaa m/weyne Shariif oo is casilay.
DHEGEYSO-Barnaamijkii Caawa iyo Daljir iyo Xasan Haykal.

Baydhabo, May 17 – Gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo wefti uu hogaaminayo ayaa gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Weftiga gudoomiyaha uu hogaaminayo ayaa waxaa ka mid ah, taliyaha ciidamada xoogga dalka Gen.Shariif Sheekh Maye iyo gudoomiyaha maxkamadda ciidamada qalabka sida Gaashaanle sare Xasan Maxamed Xuseen Muungaab.

Gudoomiyaha baarlamaanka ayaa magaalada Baydhabo uga qaybgalaya kulan ay waxgaradka goboka Baay ka yeelanayaan amaanka magaalada Baydhabo.

Midowga Afrika oo 120- ka mid ah ciidamada AMISOM u diray magaalada Baydhabo si ay amaanka ugala wareegaan ciidamada Itoobiya ayaa dhinaca kale doonaya in ciidamo dheeraad ah 2,500- askari gaaraya ay geeyaan magaalada Baydhabo.

Diiwaanka Wararka
Daljir Bossaso.

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: