HomeUncategorized

Gudiga Ergadda ee Garoowe kusugan oo baaq kale soo saaray ( Akhris)

Garoowe, Dec 25,Waxaa iska soo daba dhacaya baaqo kala duwan oo ku aadan xaaladaha siyaasadeed ee Puntland, Bayaan maanta kasoo baxay gudiga Ergadda ee Garoowe kusugan ayaa looga hadlay marxalada muran siyaasadeed ee ka taagan Puntland,

Guddoomiyaha cusub ee gobolka Bari C/samad Max?ed Gallan oo maanta xilkii la wareegay.
AMISOM oo Raali-galin ka bixisay Dilka dad shacab ah oo ay ku toogteen Marka
Faysal Rooble: Caliyoow Adigu ha Dumin Muqdisho oo Muqdisho ka Dhowr Dhibta!

?

Garoowe, Dec 25,Waxaa iska soo daba dhacaya baaqo kala duwan oo ku aadan xaaladaha siyaasadeed ee Puntland, Bayaan maanta kasoo baxay gudiga Ergadda ee Garoowe kusugan ayaa looga hadlay marxalada muran siyaasadeed ee ka taagan Puntland,
?
Bismillahi Raxmaani Raxiim
?
Tuesday, December 25, 2012
?
Ku: Isimmada Puntland Fadhiyadooda
Ku: Xukuumadda Puntland Garoowe
Ku: WGXGQM: Mahiga Muqdisho
Ku: Midowga Afrika Addis Ababa
Ku: Golaha Ammaanka ee QM New York
Ku: Jaamacadda Carabta Cairo
Ku: IGAD Djibouti
Og: JFS Muqdisho
?
Ujeeddo: Baaq ku socda Isimmada Puntland
?
Puntland waxa dul hoganaya daruur madoow iyo jahwareer siyaasadeed taasoo aan la hubin halka ay ?biya-dhigi doonto, haddii aan xal degdeg ah loo helinna, si ba?an u majaxaabin karta horumarka, nabadda, wadajirka iyo xasilloonida ay ku caan baxday iyo kaalinteeda hoggaamineed ee Soomaaliya. ?Iyada oo ay maalmo kooban inaga xigaan xilligii dastuuriga ahaa ee loo asteeyay doorashada madaxweynenimo ee Puntland (8-da January) ayay rajada ay ku qabsoomi karto aad u yartahay. Waxa mar horeba dhammaaday sharciyaddii iyo jiritaankii golaha wakiillada.
?
Maamulka Puntland ee uu xilliga ka dhammaanayo ayaa si aan dastuurka iyo mucaahadadii lagu dhisay Puntland waafaqsanayn ku tallaabsaday muddo kororsi sharci-darro ah isaga oo ku saleeynaya go?aankiisa doodo aan sharci ahayn. ?
?
Iyada oo la dhowrayo sharciga iyo kala-dambaynta, isla markaana looga fogaado faraaq maamul iyo mid siyaasi, ayay dhaq-dhaqaayaal ka soo jeeda qaybaha kala duwan ee dadka Puntland bilaabeen in ay xukuumadda ku cadaadiyaan in doorashadii madaxweynenimo ku qabato muddada kooban ee ka hartay sharciyaddeedda. ?Iyada oo taa laga duulayo ayaa wufuud ka kala yimid gobbollada Bari, Karkaar iyo Mudug isugu tageen Garoowe, fadhiga xukuumadda.
?
Hadafka socdaalku waxa uu ahaa in marxaladdan kala-bayrka ah Puntland lagu gudbiyo si nabad ah loona ilaaliyo xasilloonida, si taas loo gaarana xukuumadda culays lagu saaro in ay u hoggaansato dastuurka iyo rabitaanka dadka. ?Dastuurka Puntland waxa uu si cad oo banneeynayaa una difaacayaa xuquuqda cabiridda ra?yiga, kulannada, isku soo bixidda iyo waliba socdaalka muwaadiniinta.
?
Ayaan-darro maamulka Puntland waxa uu ku tilmaamay muwaadiniintii xaq doonka ahaa fidna wadayaal. ?Qaar waxa uu ka celiyay xudduuddaha Garowe, qaar waxa uu ka mamnuucay in ay kulmaan, qaar wuu tarxiilay, qaarna waaba uu xirxiray. ?Waxa kale oo xusid mudan sumcad xumana ku ah sharciga iyo sharafka Puntland in maamulka uu jirdilay qaar ka mida ergooyinka. ?Xadgudubyada lagula kacay ergooyinka waxa ka mida:
?
Talaadadii 18-kii December, abbaare 11-kii habeeynimo waxa Hotel Alxaramayn laga kaxaystay shan oday oo ka mida ergadii gobolka Bari iyada oo saldhigga dhexe ee Garoowe lagu waydiiyay su?aalo ku saabsan safarkooda, laguna amray in ay isaga baxaan magaalada.
Arbacadii 19-kii December, 11-kii barqanimo, waxa kantarooka Bari ee Garoowe muddo saddex saac ah lagu xayiray odayaal ka tirsan ergadii gobolka Bari, ?halka Kantaroolka Koonfureed ee Garowe-na muddo saacad ka badan lagu xayiray ergadii gobolka Mudug, iyada oo si ixtiraam darro ah loo baaray agabkoodii iyo bedenkoodii, looguna hanjabay ?in ay xarig iyo jirdil mudan doonaan.?
Galabnimadii Sabtida 22-kii December, casarkii ayaa waxa magaalada bartankeeda laga xiray Cabdikaafi Xasan Maxamed ku-xigeenka Hay?adda Daryeelka Bulshada iyada oo rasaas lagu argagixiyay ka hor qabashadiisii qof kalena lala xira.
Ciidan bilays ah oo uu wato Taliyaha Qaybta Gobolka Nugaal, oo aan wadan wax waaran maxkamadeed ah, ayaa hoteelka Mashallaha kala-baxay Nabadoon Yaasiin Cabdisamad. ?
Fiidkii ayaa waxa sarkaal ka socda nabadsugidda uu Hoteelka ka kaxeeyay Abdirisaaq Burgal, wuxuuna u sheegay in uu doonayo Wasiir ku-xigeenka Amniga iyo Taliyo ku-xigeenka Bilayska. ?Waxay ku handadeen in uu yahay maal-galiyaha ergada, waxayna ku amreen in uunan shir qaban karin. aroortana isaga baxo magaalada.?
Sidoo kale, labadaasi mas?uul waxay u yeereen oo intoo kale ku handadeen saddex ergay oo ka tirsanaa gobalka Bari.
Axaddii 23-kii December, waxa la xiray Axmed Maxamed?
Axaddii habeeynimadii waxa kantaroolka Bari lagu xayiray, laguna handaday, dabadeedna inta gaadiidkii awood looga qaaday qaar ka mida ergada gobolka Bari. ?Waxa la geeyay Dangorayo. Qaar ayaa jir dil loo gaystay, waxana lagu dabiibayaa isbitaalka Qardho
Isniintii 23-kii December, waxa hotteellada loogu tagay dhammaan ergooyinka waxana lagu amray in ay isaga baxaan magaalada inta uunan gabbalku dhincin, haddii kale wixii ku yimaada ay iyagu mas?uul ka yihiin.
?
Nasiib-darro waxa noo caddaatay in maamulku ay ka go?antahay ku tumashada dastuurka, balse taa baddalkeeda uu qaadayo tallaabooyin xaaladda uga sii dari kara.
?
Haddaba annaga oo arrimahaas oo dhan tix-galinayna, isla markaana wali u hiillinayna maslaxadda guud iyo aayaha dadka iyo dhulka Puntland ayaan waxan dhinacyada uu qoraalkani khuseeyo u soo jeedinaynaa baaqan:
?
In la ilaaliyo sharciga iyo dastuurka Puntland ee heshiiska lagu yahay lagana fogaado isku dayada lagu muquuninayo xuquuqda madaniga ah ee dadweynaha Puntland isla markaana si degdeg ah oo aan shuruudi ku xirnayn xoriyaddoodii loogu soo celiyo muwaadiniinta la xiray, qaadacaadda iyo culayskana laga dul qaaddo kuwa laga xarrimay xuquuqdoodii dastuuriga ahayd.
In Sharciyadda xukuumadda Puntland uu ku egtahay 8da January 2013.
Waxan si cad ugu baaqaynaa in Isimmada Puntland ee ah marjaca dadka iyo dhulka ay soo fara-galiyaan arrinka jihana u bixiyaan duruufaha siyaasadeed ee qallafsan ee la soo darsay kayaanka
In wax walba laga horumariyo ilaalinta iyo joogtaynta nabadda iyo maslaxadda Puntland dad iyo dhulba taas oo lagu gaari karo in la dhawro sharciga iyo dastuurka Puntland.
In xukuumadda ay ka faa?idaysato waqtiga yar ee u haray kuna dadaasho in ayan dadka iyo dhulka badin faraaq siyaasadeed iyo mid maamul, garawsato rabitaanka dadka, ka jawaabto, si degdeg ahna ugu dhiirrato tallabo walba oo looga maagan karo faraaqaas iyo burburka daba oolli kara.
?
Ugu dambayntii waxan ku rajo waynahay in uu caqliga suuban talin doono oo ay Isimada Puntland oo gacan ka helaya dhammaan saamileeyda iyo daneeyayaasha arrimaha Puntland ay mayalka u qabtaan xaaladda, kana hortagaan fursad walba oo ay arrimuhu uga sii dari karaan, ceeb, fuul-xumo, dhibaato iyo eel la soo darsa dadka iyo dhulka Puntland kaas oo saamayn doona dhammaan qaybaha bulshada, si gaar ahna uu taaban doona nugulka dadkeenna.
?
Wabillaahi Towfiiq.
?
Guddiga Ergada Puntland
?
1. ? ?Inj. Cabdicaziz Boqor Muse
2. ? ?Samadoon Maxamud Xasan Diric
3. ? ?Cabdullahi Maxamed Barre
4. ? ?Nabadoon Axmed Siciid Firdhiye
5. ? ?Nabadoon Maxamed Aden Yusuf
6. ? ?Nabadoon Siciid Haji Ciise
7. ? ?Nabadoon Sahal Cabdisalan Yusuf
8. ? ?Nabadoon Haji Siciid Islan
9. ? ?Amir Cali Farax Xirsi
10. Nabadoon Cabdi Maxamud Ugas
11. Cabdikarim Salax Cabdi
12. Nabadoon Cabdi Buraale
13. Nabadoon Maxamed Maax Colow
14. Nabadoon Siciid Ciise Hindi
15. Nabadoon Nuur Farax Faqey
16. Nabadoon Cali Aden Ciise
17. Nabadoon Siciid Cisman Wexrax
18. Nabadoon Cisman Maxamed Maxamud
19. Nabadoon Ladane Nuur Xasan
20. Nabdoon Cumar Nuur Cisman
21. ? ?Dr. Abdulqadir Shoole ? ? ? ? ? ? ? ? ? ? ? ? ? ? ? ? ? ? ? ? ? ? ? ? ? ? ??
22. ? ?Nabadoon Maxamud Qordheeer
23. ? ?Nabadoon Cabdullaahi Maxamed Muuse (Kadiido)
24. ? ?Nabadoon Cabdi Saciid Warsame
25. ? ?Nabadoon Cabdiqani Maxamed (baalle)
26. ? ?Nabadoon Cabdirashiid Mursal Faarax
27. ? ?Nabadoon Cabdullahi Xasan Joorje
28. ? ?Nabadoon Feysal Sahal Shuceyb
29. ? ?Ing. Cabdirisaaq Burgal Xaaji
30. ? ?Axmed Cumar Cali(Qurbajoog)
31. ? ?Axmed Khalif
32. ? ?Saciid Cabdi Firin
?
Xiriir:?
Ing. Abdirisaq Burgal Xaaji
Tel: +252-678-726028 – +252-90-726028
?
Ing. Abdiaziz Boqor Muse
Tel: +252-90-979290
?

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: