C/wali Xirsi (Indha-guran) oo ka tirsan golaha wasiirada PL oo ka digey in damaca siyaasadeed lagu raadiyo qori caaraddii

Garoowe, Dec, 25- Wasiirka wasaaradda Sh, Sh, Dh, iyo ciyaaraha Puntland C/ Weli Xirsi Cabdulle (Indha-guran) ayaa ka digay in damaca siyaasadeed lagu raadiyo qori caaradiid taasoo uu sheegay inay ka dhalan karto dhibaato saamaysa mustaqbalka dalka.


Indha-guran ayaa si weyn oga digay xal walboo khaldan oo loo maro siyaasadda Puntland, wuxuuna ugu baaqay cid walboo siyaasad ku jirta inaysan adeegsan hub iyo ciidan.


Wasiirku ayaa dadweynaha reer Puntland uga digey inay ammaanka ilaalsadaan kana soo horjeestaan shakhsiyaad? doonaya inay si qaldan wax u raadiyaan kuwaasi oo aan ka fakarayn danta ummadda.


Wuxuu wasiirku hadalkaan ka sheegay kulan maanta loo qabtay xirfad baraayaal ka kala socday gobolo katirsan Puntland kuwaasi oo uu kula dar daarmayay in aysan amaankooda ku halayn dad dano gaara wata.

Diiwaanka Wararka Daljir

(S)

Daljir.com


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com