Gudhka biyoxidheenka Jigjiga iyo booqashada madaxda DDS

Gudhka biyoxidheenka Jigjiga iyo booqashada madaxda DDS

Kusimaha Madaxweynaha Dawladda Deegaanka Soomaalida (DDS) Mustafe Muxumed Cumar
oo uu wehelinayo Kuxigeenkiisa Aadan Faarax iyo masuuliyiin kale oo heer deegaan ah ayaa booqasho indhoindhayn ah waxa ay ku tageen biyoxidheenka waqooyiga Jigjiga oo muddo laga joogo 30 sannadood markii ugu horreysay bilihii la soo dhaafay gudhay.

Biyoxidheenka waqooyiga Jigjiga ayaa kamid ah biyoxidheenada ugu waaweyn ee Dawladda Deegaanka Soomaalida (DDS).

Wasiirka Dooxooyinka iyo Waraabka ee Dawladda Deegaanka Soomaalida (DDS) Cabdiraxmaan Ciid Daahir ayaa sheegay sababaha uu u gudhay biyoxidheenku ay kamidyihiin laagihii ay soo marayeen biyuhu oo badankoodii beero laga wada qotay.

Biyaxidheenka ayaa markii ugu horreysay in muddo ah waxaa galay biyo yar kaddib roobabkii mahiigaanka ahaa ee ka da’ay Jigijiga iyo nawaaxigeeda.

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

Jigjiga

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com