Guddoonka Golaha Shacabka & kan dowlad Goboleedyada oo shir gaar ah yeelanaya

HomeWararka

Guddoonka Golaha Shacabka & kan dowlad Goboleedyada oo shir gaar ah yeelanaya

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya mudane Sheikh Adan Mohamed Nur Madobe oo uu weheliyo guddoomiye ku-xigeen

BOOSAASO: Booliiska oo xiray qaar kamid ah darawalada Tagaasida (daawo)
Ra’iisul Wasaare Rooble oo guddoomay Nuqulka Warbixinta Guddiga Dib u Heshiisiinta Gobolka Gedo (daawo)
Fariin ka Timid Caasha Gelle oo Ka mid ah Nabadjirayaasha Gaalkacyo

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya mudane Sheikh Adan Mohamed Nur Madobe oo uu weheliyo guddoomiye ku-xigeenka 2aad ee Golaha Shacabka Cabdullahi Cumar Abshirow ayaa kulan la qaatay qaar ka mid ah guddoomiyayaasha Baarlamaannada dowlad goboleedyada Hirshabelle Galmudug iyo Xildhibaan Cali siciid Fiqi oo wakiil ka ahaa Gudoonka Golaha wakiilada dowlad goboleedka Koonfur galbeed.

Kulanka oo looga hadlaayey dardar-gelinta howlaha sharci dejinta iyo sida ugu haboon ay u wada shaqeyn karaan baarlamaannada dowlad goboleedyada dalka iyo kan Federaalka.

Guddoomiyaha golaha Shacabka ayaa bogaadiyey doorka muhiimka ah ee ay kaga jiraan golayaasha wakiiladda dowlad goboleedyada dalka waxaana uu sheegay in wada shaqeyn buuxda dhexmarto si loo helo aqoon kororsi ku aaddan shuruucda golaha Sharci dejinta dalka iyadoo loo ballan sanyahay Kulan wadajir ah oo laqaban doono maalmaha soo aaddan.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: