Madaxtooyada oo faah faahisay xaaladda caafimaad ee Madaxweyne Xasan Sheekh

Madaxtooyada oo faah faahisay xaaladda caafimaad ee Madaxweyne Xasan Sheekh

Afhayeenka Madaxtooyada Soomaaliya Cabdikariin Cali Kaar ayaa ka hadlay xaaladda caafimaad ee madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, toddobaadka xorriyadda iyo gurmadka abaaraha.

Afhayeenka oo shir jaraa’id Warbaahinta ugu qabtay gudaha madaxtooyada ayaa sheegay in xaaladda Caafimaad ee Madaxweyne Xasan Sheekh oo uu ku dhacay cudurka COVID-19 ay tahay mid wanaagsan, isla markaana tan iyo markii laga helay uusan jirin wax saameyn muuqato ah oo uu ku yeeshay caafimaadkiisa.

Waxaa uu hadalkiisa uu intaasi kudaray in uu Madaxweynaha si cadi ah u wato howlihiisa, isaga oo raacaya talooyinka iyo habraacad caafimaad oo ay dejiyeen Bahada Caafimaadka, kuwaas oo la xiriira tallooyinka cudurka COVID-19, isla markaana Shacabka uga mahad celiyay ducadii uu ka helay.

Afhayeenka Madaxtooyada Soomaaliya Cabdikariin Cali Kaar wuxuu sheegay in Maalinta Berito ah Madaxweynaha laga qaadi doono baaritaan caafimaad si loo hubiyo xaaladiisa caafimaada maadaama muddo dhowr maalmood ah ay kasoo wareegatay markii laga helay cudurka COVID-19.

Ugu dambeyn Afhayeenka waxaa uu sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh Maamuud uu khadka taleefoonka kula xiriiray Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, isaga oo ugu hambalyeeyay sanad-guuradii 45-aad oo ah markii ay xornimada dowladda Jabuuti ka qaadatay dowladda Faransiiska.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com