Ciidanka DANAB oo la wareegay degaanka Ceelbaraf & faah faahin laga helayo

Ciidanka DANAB oo la wareegay degaanka Ceelbaraf & faah faahin laga helayo

Ciidanka Kumaandooska xoogga dalka Soomaaliyeed ee DANAB ayaa gudaha u galay degaanka Ceelbaraf oo hoostaga degmada Mahadaay ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaas oo maalmihii la soo dhaafay ay ku sugnaayeen Xubno katirsan Ururka Al-Shabaab.

Ciidanka DANAB oo wata Gaadiidka noocyadiisa kala duwan ayaa ka tegay degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan, waxaana goobjoogayaal ay sheegeen in Ciidanka DANAB ay si nabadgelyo ah kula wareegeen degaanka Ceelbaraf kadib markii ay isaga baxeen Al-Shabaab.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi kudarayaan in saaka Ciidamada DANAB lagu arkayo waddooyinka soo gala iuo kuwa ka baxa degaanka Ceelbaraf, iyaga oo sidoo kale gudaha degaanka ka wada howlgallo amniga lagu xaqiijinayo.

Badi dadkii degaanka degaanka Ceelbaraf ayaa isaga barakacay kadib markii ay ka cabsadeen in dushooda lagu dagaalamo, waxaana xaalad kacsanaan ah ay kajietay degaanka tan iyo 3-dii Bishii May oo Al-Shabaab ay weerar qaraxyo ku billowday ku qaadeen Saldhiga Ciidamada Burundi, taas oo keentay inay degaanka isaga soo baxaan Ciidamada Burundi ee howlgalka ATMIS & kuwa dowladda Soomaaliya.

Wararka kale ee Risaala heleyso ayaa sheegaya in Ciidamo katirsan kuwa howlgalka ATMIS ay kusoo wajahan yihiin degaanka Ceelbaraf, kuwaas oo hadda howlgallo miino baaris ah ka wada wadada u dhaxeeysa degaannada Ceelbaraf iyo Miirtaqwo ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com