Guddoomiye Muudeey oo akhriyay warqad uu ku sheegay inuu is-casilay guddoomiye Jawaari

HomeWararka

Guddoomiye Muudeey oo akhriyay warqad uu ku sheegay inuu is-casilay guddoomiye Jawaari

Guddoomiye kuxigeenka baarlamaanka Soomaaliya Cabdiwali Ibraahim Muudey ayaa ka hor akhriyay fadhi ay golaha baarlamaanka ay ku yeesheen maanta magaal

Warka Kooban ee Xulashada Daljir (dhegayso)
Safaaradda Soomaaliya ee dalka Serbia oo soo dhaweysay arday Soomaaliyeed oo deeq waxbarasho ka helay dalkaasi.
Madaxweynaha Jubbaland oo kulan casho sharaf ah u sameeyay Xildhibaanada labada Aqal ee laga soo doortay Jubbaland.

Guddoomiye kuxigeenka baarlamaanka Soomaaliya Cabdiwali Ibraahim Muudey ayaa ka hor akhriyay fadhi ay golaha baarlamaanka ay ku yeesheen maanta magaalada Muqdisho inuu iscasilay guddoomiyihii baarlamaanka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.

Guddoomiye Muudey ayaa sheegay warqaddan inuu ka helay guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, iyadoo xalay ilaa iyo saakay salaaddii subax kulamo ay usocdeen madaxwaynaha dowladda faderaalka Soomaaliya iyo guddoomiyaha baarlamaanka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.

Guddoomiye Jawaari ayaa horay waxaa mowshin uga soo gudbiyay xubno katirsan baarlamaanka Soomaaliya, waxaana uu horay uga soo horjeestay mowshinka oo uu ku eedeeyey xukuumadda inay ka dambayso.

Majirto wali wax war ah oo xaqjiinaya warqaddan oo kasoo baxday guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: