Site icon Radio Daljir

Guddoomiye Muudeey oo akhriyay warqad uu ku sheegay inuu is-casilay guddoomiye Jawaari

Guddoomiye kuxigeenka baarlamaanka Soomaaliya Cabdiwali Ibraahim Muudey ayaa ka hor akhriyay fadhi ay golaha baarlamaanka ay ku yeesheen maanta magaalada Muqdisho inuu iscasilay guddoomiyihii baarlamaanka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.

Guddoomiye Muudey ayaa sheegay warqaddan inuu ka helay guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, iyadoo xalay ilaa iyo saakay salaaddii subax kulamo ay usocdeen madaxwaynaha dowladda faderaalka Soomaaliya iyo guddoomiyaha baarlamaanka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.

Guddoomiye Jawaari ayaa horay waxaa mowshin uga soo gudbiyay xubno katirsan baarlamaanka Soomaaliya, waxaana uu horay uga soo horjeestay mowshinka oo uu ku eedeeyey xukuumadda inay ka dambayso.

Majirto wali wax war ah oo xaqjiinaya warqaddan oo kasoo baxday guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.

Exit mobile version