Guddoomiye Mursal oo Dowladda Norwey kala hadlay Arrimaha doorashooyinka

Guddoomiye Mursal oo Dowladda Norwey kala hadlay Arrimaha doorashooyinka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Mas’uuliyiin ka tirsan Safaaradda Dowladda Norwey ee Soomaaliya oo ay ka mid tahay Safiirka safaaradda Norwey ee Soomaaliya.

Labada dhinac ayaa waxaa ay ka wada hadleen Arrimaha Doorashooyinka la filayo in ay dalka ka dhacaan iyo u diyaar garowgooda & sidii dowladda Norwey ay uga qeyb qaadan laheyd.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa safiirka Safaaradda Norwey ee Soomaaliya uga warbixiyay halka ay marayaan u Diyaar garowga doorashooyinka Wadanka ka dhici doona marka la gaaro sanadka 2021.

Dhinaca kale Safiirka Dowladda Norwey ee Soomaaliya ayaa Baarlamaanka uga mahad celiyay dadaaladooda la xiriira diyaarinta shuruucda Doorashooyinka dalka oo ah kuwo muhiim ah.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com