Cudurka Coronovirus oo Taliyaaniga ku fiday & Wararkii ugu dambeyeey

HomeWararka

Cudurka Coronovirus oo Taliyaaniga ku fiday & Wararkii ugu dambeyeey

Talyaaniga ayaa tirada u dhintey cudurkan Coronovirus waxa ay gaartay 148 ruux isagoo noqday dalka labaad ee ugu badan heerka dhimashada cudurka marka

Taliyaha Shaqada Laga Joojiyey ee Booliska Puntland oo Ka Hadlay Sababta Shaqada Looga Joojiyey (dhegayso)
“Dalladda Mucaaradka Puntland waxay u taagan tahay ka hortaga marin habaabinta siyaasadeed,”
Warka Arooryo iyo Xuseen Madar, Daljir Bossaso (dhegayso)

Talyaaniga ayaa tirada u dhintey cudurkan Coronovirus waxa ay gaartay 148 ruux isagoo noqday dalka labaad ee ugu badan heerka dhimashada cudurka marka laga soo tago dalka Shiinaha oo ay 3,000 u dhinteen cudurkan.

Cudurkan ayaa gaaray illaa 22 gobol oo ka mid ah Talyaaniga waxana ay ku qasabtay xukuumada Rome inay amarto in Jaamacadaha iyo iskuulada la xiro.

Wadanka UK ayaa qofkii ugu horeeyay uu cudurkan u geeriyooday halka dalalka Bosnia and Herzegovina, Slovenia iyo South Africa laga helay bukaano qaba cudurkan.Tirada dadka ugu dhintey cudurkan gudaha dalka Maraykankana waxa ay gaartay 11 ruux.

Dowlada Falastiin ayaa xaqiijisay in tirada dadka uu ku dhacay cudurkan ay gaartay toddobo ruux waxaana laga mamnuucay dadka dalxiisayaasha ah inay soo galaan Falastiin muddo labo toddobaad ah.

Wadanka Faransiiska oo ka mid ah dalalka uu ka jiro cudurkan Coronovirus ayaa tirada dadka u dhintey waxa ay gaartay 7,halka tirada dadka uu ku dhacayna ay gaarayaan 423 ruux.

Bukaanada cudurkan laga helay ayaa 23 ka mid ah waxa ay xaaladoodu tahay mid halis ah sida laga soo xigtey sarkaal u hadlay Wasaarada Caafimaadka dalka Faransiiska.

Cudurka Coronvirus oo ka dilaacay dalka Shiinaha Bishii December ee sanadkii hore ayaa tirada dadka u dhintey cudurkan ay sare u dhaafeen saddex kun oo ruux halka dad ku dhow boqol kun oo ruuxna ay la il daran yihiin haatan cudurkan.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: