Guddoomiye Filish: ”Waxaa jira Ganacsato lacago siiya Al-Shabaab”

HomeWararka

Guddoomiye Filish: ”Waxaa jira Ganacsato lacago siiya Al-Shabaab”

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Mgaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) ayaa sheegay inay jiraan ganacsato farabadan oo lacago baad

Maamulka iyo Waxgaradka Degaanka Xeraale ee Gobalka Galgaduud oo Qaadacay Heshiiskii Galmudug & Ahlusunna (dhegayso)
Dowladda Puntland: “Waxaan Garabtaaganahay Sacuudiga iyo Imaaraadka; DFS waa in ay Mowqifkeeda Badasho”
Madaxwaynaha Soomaaliya oo ka hadlay duqamaymaha Mareykanka

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Mgaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) ayaa sheegay inay jiraan ganacsato farabadan oo lacago baad ah siiya Ururka Al-Shabaab oo dagaal kula jira Dowladda Soomaaliya.

Waxaa uu sheegay in Al-Shabaab ay dhibaato ku hayaan Dadka Shacabka,hayeeshee taasi aysan aqbaleyn,isla markaana ay dagaal adah la geli doonaan Al-Shabaab.

Waxaa uu uga digey Ganacsatada Soomaaliyeed inay lacag siiyaan Al-Shabaab oo uu sheegay in markii dambe lacagahaas ay Carruurtooda ku dilayaan.

Hadalkaan ayaa Guddoomiyaha Gobolka Banaadir waxaa uu Maanta ka sheegay banaanbax looga soo horjeeday Al-Shabaab looguna baroor diiqayey qarixii Ex-koontorool oo lagu qabtay Muqdisho.

Diiwaanka wararka.

Radio Daljir.com.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: