GUDDOOMIYE CABDIRISAAQ KHALIIF OO LA FILAYO HADALKIISII UGU HORREEYEY IN UU JEEDIYO SAAKA, TAN IYO BILAWGII DAGAALKA.

Guddoomiyaha golaha wakiillada Somaliland Cabdirisaaq Khaliif ayaa la filayaa saaka oo Axad ah warbaahinta in kula hadlo Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Guddoomiye Cabdirisaaq Khaliif ayaa muddooyinkii dambe ku sugnaa magaalada Laascaanood oo illaa saddex Asbuuc dagaallo ka socdeen kadib markii ciidamada Somaliland ay magaaladaasi weerar ku ekeeyeen, dadka deegaanka oo is abaabulayna ay iska difaacayeen.

Si dhab ah looma saadaalin karo ujeedada hadalkiisu uu daarranaan karo, waxaase la tilmaamayaa suuragalnimada ka hadalka xaaladihii ugu dambeeyey ee dagaalladii dhacay iyo khasaaraha dad iyo deegaan, waxaana jira hadal hayn tilmaamaysa meesha in ay ku jiri karto xilka uu hayo iyo xukunka uu ka midyahay.

Waxay noqonaysa markii ugu horreeyey oo guddoomiyaha wakiillada Somaliland Cabdirisaaq Khaliif oo ah nin ka soo jeeda gobolka Sool uu ka hadlo xaalka colaadeed, taasoo muujin karta mawaaqiftiisa rasmiga ah.

Laascaanood oo muddo 20 casho ah dagaal ka socday, ayaa shalay oo ugu dambaysay uu dhacay mid ka mid ah dagaalladii ugu cuslaa, ugu khasaare badnaa, inkastoo marka xagga natiijada hormar ee dadka deegaanka laga fiiriyo ay ahayd middii ugu sarraysay ee ay gaaraan muddadii dagaalku socday.

Laascaanood ayaa hadda ku naaloonaysay gurashada mirihii halgan ee muddada dheer dadkeedu ku taamayeen, taasoo ahayd in ay ka xoroobaan xoogga, xarigga iyo jajuubka ay kala kulmaan maamulka Somaliland.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com