Guddoomiye Cabdi Xaashi oo casuumaad ka helay dhigiisa Bakistaan

HomeWararka

Guddoomiye Cabdi Xaashi oo casuumaad ka helay dhigiisa Bakistaan

Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi oo kulan khadka taleefoonka ah kula yeeshay dhigiisa dalka Pakistan Sadiq Sanjrani ayaa ka wada hadlay arrimo ba

Warka Fiidnimo, Maxamed Lakiman, Daljir Garowe (dhegayso)
Wararkii ugu dambeyaay ee qaban qaabada soo dhaweynta Madaxweyne Farmaajo (Sawiro)
Al-shabaab oo weerar ku qaaday Lamu kenya

Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi oo kulan khadka taleefoonka ah kula yeeshay dhigiisa dalka Pakistan Sadiq Sanjrani ayaa ka wada hadlay arrimo badan oo ay kamid yihiin iskaashiga labada dal ee dhinacyada Baarlamaanka.

Gudoomiyaha aqalka sare ee dalka pakistan Sadiq Sanjrani ayaa casuumaad rasmi ah u fidiyay dhigiisa dalka Soomaaliya Cabdi Xaashi si uu u yimaado dalka pakistan loona xoojiyo xiriirka labada Baarlamaan, isaga oo sheegay in ay mudan tahay isdhaafsiga wufuud ka kala socota labada Baarlamaan si loo xoojiyo xiriirka labada Baarlamaan ee dalalka Soomaaliya iyo Pakistan.

Dhanka kale Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa aqbalay islamarahantaana soo dhaweeyay casuumaada uu u fidiyay dhigiisa dalka pakistan mr Sadiq Sanjrani, isaga oo sheegay in ay muhiim tahay xoojinta xiriirka labada Baarlamaan
Iyadoo laga duulaayo xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya dalalka Soomaaliya iyo pakistan.

Kulankaan qadka taleefanka ah ee u dhaxeeyay labadaan mas’uul ayaa daba socday kulan dhinacya badan taabanayay oo malinnimadii jimcaha ahayd ku dhaxmaray magaalada islamabad ee caasimada dalka pakistan Danjiraha safaarada jamhuuriyada Soomaaliya ee dalka pakistan marwa Khadiija Maxamed Al-maqzuumi iyo gudoomiyaha Aqalka Sare ee dalka pakistan mr Sadiq Sanjrani.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: