Wararkii ugu dambeyaay ee qaban qaabada soo dhaweynta Madaxweyne Farmaajo (Sawiro)

HomeWararka

Wararkii ugu dambeyaay ee qaban qaabada soo dhaweynta Madaxweyne Farmaajo (Sawiro)

Caasimadda Puntland ee Garowe ayaa maanta laga dareemaya soo dhaweynta Madaxweynaha Dowladda Federaalka Somaaliya Mudane maxamed Cabdulaahu (Farmaajo)

BOSAASO: WARBIXIN: Hay’adda Fairfishing oo 30 Arday bartay sida Kaluunka loo qalo,loona Macaaneeyo
Waxgarad ku baaqay joojinta colaadda gobalka Sool ka soo cusboonaatay (dhegayso)
Madaxweynaha Galmudug oo Cadaado gaaray (Sawiro)

Caasimadda Puntland ee Garowe ayaa maanta laga dareemaya soo dhaweynta Madaxweynaha Dowladda Federaalka Somaaliya Mudane maxamed Cabdulaahu (Farmaajo) iyo wafdi uu hogaamin doono oo markii ugu horeysay imaan doona Puntland.

Fagaarayaasha iyo wadooyinka waaweyn ee Caasimadda Puntland ee Garowe ayaa lagu arkayaa Sawirka Madaxweyne Farmaajo iyo Calanka Jamhuuriyadda Somaaliya iyo Kan Puntland ,waxaana wadooyinka qaar laga mamnuucay inay isticmaalan gadiidka xamuulka qaada.

Sido kale Caasimadda Waxaa ku sugan Ciidamo katirsan Difaaca Puntland ,kuwaas oo adkaynaya Amaanka Caasimadda intuu imaanayo Madaxweynaha,iyado lagu arkayay goobaha Muhiimka ah ciidamo aad u tababaran oo ilaalinaya Amniga Guud ee dalka.

Madaxweynaha Dowladda Somaaliya ayaa Xaflad weyn oo kadhacaysa Madaxtooyada ka qayb gali doona ,taas oo lagu qaban doono 4- sano guuradii kaso wareegtay markii uu xilka si rasmi ah ula wareegay Madaxweynaha Puntland Prof Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo ku beegan 8-Jan 2018.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sido kale booqan doona Gobaladda dhexe ee dalka oo ay ugu horeyso Magaaladda Gaalkacyo ee Xarunta gobalka Mudug,iyo degaanadda Galmudug,halkas oo maalmo kulamo la qaadan doono bulshadda gobaladda dhexe.

Wararka Socdaalka Madaxweyn Farmaajo insha allah Radio daljir ayaad toos ugala socon doontaan , Daqiiqad Daqiiqad.

Maxamed Lakiman
Daljir Garowe.

 

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: