Guddoomiye Aadan Madoobe oo Soomaalida Koonfur Afrika kala hadlay dilalka loo geysto

HomeWararka

Guddoomiye Aadan Madoobe oo Soomaalida Koonfur Afrika kala hadlay dilalka loo geysto

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa kulan la qaatay guddi iskugu jira ganacsatada iyo Gudoonka Jaaliyadda Soomaalid

Xildhibaan Dhaashane: “Anigoo xeerdejintii ah baa leh Laascaanood waa in laga helo maamul dadka deegaanku samaystaan.”
Wasiir Dhabancad:“ Agabka maanta Garowe diyaaradu ka dejisey waxaa keenta UNHCR ”
Kenya oo Maxkamadeyneysa Ciidamo Boolis ah oo dilal geystay

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa kulan la qaatay guddi iskugu jira ganacsatada iyo Gudoonka Jaaliyadda Soomaalida ee ku nool magalada Johannesburg ee dalka Koonfur Afrika.

Guddoomiyaha ayaa ganacsatada Soomaaliyeed iyo Jaaliyadda ku nool dalka Koonfur Afrika uga mahadceliyey kulankaan islamarkaana kula dardaarmay in isku xirnaan iyo midnimo muujiyaan.

“Runtii farxad ayey ii tahay aniga iyo wafdigeyga in aan idiinla kulmo ganacsatada ku nool magaladan Johannesburg ee Koofur Afrika waxaan idinkula dardaarmayaa in aad muujisaan midnimo iyo wadajir iskuna gacan qabataan caawinta kiina dhibaataysan” ayuu yiri Guddoomiye Sheekh Aadan.

Qaar kamid ah Jaaliyadda Soomaaliyerd & Ganacsatada ayaa Guddoomiyaha siiyay warbixin la xiriirta dhibaatooyinka dilalka ah ee loo geysto Soomaalida, iyaga oo ugu baaqay in dowladda Soomaaliya ay waxka qabashada dilalka kala hadasho dowladda Koonfur Afrika.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha ayaa ganacsatada iyo guud ahaanba Soomaalida ku nool Dalka koonfur Africa kula dardaarmay in ay qayb ka noqdaan caawinta dadka ay saameeyeen abaaraha baahsan ee ka jira dalka.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: