Midowga Afrika oo sheegay inay deg deg uga jawaabayaan weerarkii Al-Shabaab ku dileen dadka Shacabka

Midowga Afrika oo sheegay inay deg deg uga jawaabayaan weerarkii Al-Shabaab ku dileen dadka Shacabka

Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) ayaa wacad ku maray in ay la shaqeyn doonaan ciidamada ammaanka ee dalka ee wada howlgallada nabadda lagu raadinayo, inkastoo ay kordheen weerarada ay Al-Shabaab ka geysanayaan dalka.

ATMIS ayaa sidoo kale cambaareysay weerarkii habeenkii jimcaha ay kooxdu ku qaaday kolonyo Gaadiid ah, kaasi oo sababay dhimashada 20 qof iyo burburka todobo baabuur oo siday raashin iyo sahay biyo ah oo deg deg ah oo ka dhacay gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya.

“ATMIS waxa ay u tacsiyeynayaa qoysaska dadkii la dilay, walina waxaa ka go’an in ay la shaqeeyaan ciidamada ammaanka Soomaaliya si loo helo nabad iyo amni ka dhalata Soomaaliya,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka Midowga Afrika ay ka soo saareen magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya xilli saraakiisha ammaanka ee gobolka Hiiraan ay xaqiijiyeen in dhimashadu ay gaartay 20 qof, halka 7 baabuur oo sahay raashin ah ka soo qaaday magaalada Beledweyne kuna sii jeeday degmada Maxaas ee dowlad goboleedka Hirshabelle la gubay.

Saraakiisha ammaanka ee gobolka ayaa sidoo kale sheegay in labo gaari oo kuwa gurmadka deg deg ah ay la beegsadeen walxaha qarxa Al-Shabaab xilli ay doonayeen inay soo qaadaaan meydadka dadkii weerarkaas lagu dilay.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com