Guddoomiye Aadan Madoobe oo laamaha amniga G/Bakool kala hadlay la dagaalanka Al-Shabaab

Guddoomiye Aadan Madoobe oo laamaha amniga G/Bakool kala hadlay la dagaalanka Al-Shabaab

Ku-simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa waxaa uu kulan la yeeshay saraakiisha ciidanka Qeybta 60-aad Guutada 9-aad ee ku sugan degmada Xudur Gobolka Bakool.

Ku-simaha Madaxweynaha JFS. ayaa Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Booliska ee ku sugan magalada Xudur ee xarunta Gobolka Bakool ku boggaadiyay sugidda amniga deegaanada iyo dadaalka joogtada ah ay ku bixiyaan la dagaalka Al-Shabaab isagoo na ku dhiirageliyay saraakiisha ciidanka ineysan marnaba ka niyad jabin dagaalka dalka looga saarayo.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa sii wadi doona kulamada kala duwan ee uu ka wado Magaalada Xudur, isaga oo sidoo kale booqan doona Xarumo muhiim ah oo kuyaalla degmada Xudur.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com