Guddoomiyaha gobolka Hiiraan oo iska casilay xubinnimadii guddiga Maaliyada iyo Taakuleynta ciidanka dib u xureynta Hiiraan

HomeWararka

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan oo iska casilay xubinnimadii guddiga Maaliyada iyo Taakuleynta ciidanka dib u xureynta Hiiraan

Guddoomiyaha maamulka gobalka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa shaaca ka qaaday inuu iska casilay xubinimadda guddiga Maaliyadda ee taakuleynta ciidama

PUNTLAND: 134 Xarumood oo maanta lagu galayo imtaxaanadka shaahadiga ah
RW May oo Tiri Boolisku waa Yaqaan Isqarxiyaha iyo 23 Jir loo Qabtay
Sidee lagu soo ceelin karra doorkii Sugaanta? (Daawo)

Guddoomiyaha maamulka gobalka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa shaaca ka qaaday inuu iska casilay xubinimadda guddiga Maaliyadda ee taakuleynta ciidamada dib u xoreynta deegaanada gobalka Hiiraan.

War qoraal ah oo kasoo baxay gudoomiye Jeyte ayuu ku sheegay inuu ku howlan yahay sidii loo xaqiijin lahaa dadaalada amniga, xasiloonidda gobalka Hiiraan iyo dardargalinta howlgalada baaxada leh ee ka dhanka ah Kooxda Al-shabaab.

Qoraalka kasoo baxay Xafiiska guddoomiye Cali Jeyte ayuu ku sheegay in xubinnimadii guddiga uu isaga casilay kadib markuu arkay in guddiga Maaliyada iyo taakuleynta ciidanka dib u xureynta gobolka Hiiraan aysan diyaar u aheyn wax ka qabashada howlahii loo igmaday.

Hoos ka akhriso qoraalka oo dhameystiran

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: