Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka oo ku sii jeeda magaalada Dhuusamareeb

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka oo ku sii jeeda magaalada Dhuusamareeb

Gudoomiyaha guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaran Xaliimo Ismaaciil Ibraahim Xaliimo Yaray iyo Xubno ka tirsan Guddiga doorashooyinka ayaa maanta la filayaa in ay gaaraan magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud.

Booqashada Xaliimo Yarey oo ka soo jeeda Galmudug ayaa waxa ay salka ku haaysaa sidii guddiga uu kulamo looga hadlayo doorashooyinka ula qaada lahaa Madaxda

Dowlad-goboleedyada dalka ee dhawaan ku shiray magaalada Dhuusamareeb ee dowlad goboleedyada Galmudug.

Madaxda dowlad goboleedyada ayaa sheegay inaysan ka dhici Karin dalka doorasho qof iyo cod ah waxayna ku baaqeen in laga hadlo sidii loo heli lahaa qaab kale oo doorasho oo dalka ka dhacdo.

Mowqifka Madaxda dowlad goboleedyada dalka ee doorashada ayaa waxaa ka soo horjeestey gudoomiyaha golaha shacabka iyo qaar kamid ah xildhibaanada baarlamaanka federalka.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com